Xeelado aad uga badbaadi kartid 4 xayawaan oo halis ah

Xayawaannada duur joogta ah way kala dabeecad duwen yihiin, wayna adag tahay in la wada fahmo farsamooyinka looga badbaadi karo marka ay naftaada soo weeraraan.

Dadka reer miyiga ah inta badan way la macaamilaan duur joogta kala duwan, waxay yaqaannaan farsamooyin ay uga badbaadaan halistooda.

Waxaan halkan kusoo gudbineynaa xeelado kuu sahli kara in aad ka baxsato afar xayawaan oo ka mid ah kuwa ugu halista badan ee aan garaneyno.

1- Haramcad

Haramcadka wuxuu ka mid yahay xayawaannada waxyeellada u geysta bani’aadanka.

Seynisyahannada waxay ku tilmaamaan inuu yahay noolaha ugu orodka badan inta dhulka ku socota. Taas micnaheeda waa in aadan orod uga baxsan karin haddii aad kulantaan, ama uu kusoo weeraro.

Haddaba su’aashu waxay tahay, sideed isaga difaaci kartaa?

Marka aad la kulanto, wax kasta oo dhaca ha u dhaqaaqin dhinaca Haramcadka, gaar ahaan marka uu dhal yahay. Hooyada Haramcadka aad bay u difaacdaa ilmaheeda, waxayna u badan tahay inay kusoo weerarto haddii ay kaaga shakiso inaad wajaheyso.

Xeeladahan adeegso;

  • Marka aad aragto, haka dhaqaaqin meeshaada, indhahaaga iyo indhihiisana kala ilaali inay is qabtaan.
  • Haddii uu haramcadku isku diyaarinayo inuu kusoo weeraro, qeyli, gacmaha kor u taag taag, sacbi oo isku garaac gacmahaaga, sidoo kalena samee wax walba oo aad shanqar ku abuuri karto.

2- Libaaxa dhulka buuraleyda ah ku nool

Libaaxyada buuraha dhexdooda ku nool inta badan waxay dadka kasoo weeraraan dhinaca dambe. Sidaas darteed waligaa haka sii jeedsanin, hana ka cararin.

Marka aad is qabataan, xagiisa u jeedso karti badanna muuji.

Xeeladahan adeegso;

  • Faraha fooddooda ku istaag si aad isu dheereyso.
  • Indhahaaga indhihiisa ku qabo.
  • Haddii aad jaakad wadato ama shaati, fur oo kala fidi, si aad ugu muuqato wax weyno oo ballaaran.
  • Haddii ay suuragal tahay wax ku tuur, hadallo adagna ku canaano.
  • Haddii uu kusoo weeraro, meeshaada ha taagnaanin oo la dagaal. Isku day inaad ku dhufato sanka, afka ama indhaha, waxayna u badan tahay inuu kaa tago.

3- Yeey

Xayawaanka loo yaqaanno yeeyda wuxuu ku badan yahay dhulka keymaha ah. Haddii aad mid aragto, waxay u badan tahay in kuwo kale ay agagaarka ku dhuumanayaan.

Haddii aad u jirto masaafe xoogaa dheer, si tartiib ah dib u gurasho u samee, kana tag meesha.

Laakiin haddii ay xaaladdu taagan tahay meel aydaan ku kala badbaadeynin, xeeladahan adeegso;

  • SI aayar ah gadaal gadaal ugu soco, dhabarkaagana ha u sii jeedinin.
  • Haddii uusan yeeygu dib u gurasho sameynin, billow inaad qeyliso intii karaankaaga ah oo ay sambabbadaadu awoodaan.
  • Ku tuur wax walba oo aad heli karto.
  • Marka aad gadaal u socoto ka taxaddar tallaabadaada, sababtoo ah haddii aad dhacdo wuxuu xayawaankan helayaa fursadda ugu habboon ee uu kugu soo weerari karo.
  • Haddiiba ay dhacdo sidaas, oo uu kusoo weeraro, la dagaallan, tus inaad adiga qudhaadu halis tahay.

4- Waraabe

Waraabeyaashu waxay caan ku yihiin inay eryadaan qof walba oo ka carara.

Sidaas darteed, markii aad la kulanto, haka dhaqaaqin meeshaada, lana hadal.

Xeeladahan adeegso;

  • Haddii aad cunto heysato, u tuur waraabaha xagiisa. Waa xayawaan caajisloow ah, hadduu helo wax uu cuno waxay u badan tahay inuu kaa haro.
  • Haddii uu xagaaga usoo dhaqaaqo, si lama filaan ah dhowr tallaabo ugu qaad xagiisa.
  • Samee shanqaro cod oo aad u dheer, gacmaha dhaqdhaqaaji oo isku day inaad cabsiiso intii karaankaaga ah. Haddii aad sidaas sameyso, Waraabuhu wuxuu u maleynayaa inaad weerareyso wuuna kaa cararayaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *