Wiilkii ka yaabiyay boqorkii uu kacbada kula kulmay

Qisadan waxay dhex martay wiil uu awoowe u ahaa saxaabigii jaliilka ahaa ee Cumar Ibn Khadaab iyo nin khaliif ahaa.

Hisham bin Cabdul Malik oo ahaa khaliifkii Umayyad ayaa Xajka u tagay si uu waajibkiisa ugu soo guto.

Isagoo dhawaafka sameynaya ayuu arkay Salim Ibn Cabdullaahi In Cumar Ibn al-Khadaab.

Salim wuxuu gacmaha ku watay kabihiisa oo googoa’an wuxuuna xirnaa dhar aad raqiis u ah oo qiimahooda uusan gaareynin labo Dirham (oo lacagtii xilligaas la isticmaali jiray ah).

Khaliif Hisham ayaa u dhawaaday Salim wuxuuna ku yidhi: “Saalimoow wax ma u baahan tahay?”

Salim ayaa intuu fiiriyay isagoo la yaaban wuxuu u muujiyay caro. Kaddibna wuxuu ku yidhi: “Miyaadan xishooneynin, annagoo gurigii Alle joogna mayaad rabtaa inaan waxa aan rabi weydiisto cid aan Alle ahayn?”

Ceeb weyn iyo yax yax ayuu dareemay Hisham, sidaas darteedna wuu isaga tagay Salim, wuxuuna iska sii dhammeystay dhawaafkiisii. Laakiin isha kama uusan leexinin Salim, si gaar ah ayuuna u la socday.

Markii uu arkay Salim oo masjidka barakeysan bannaanka uga soo baxay ayuu qabtay wuxuuna ku yidhi: “Saalimoow waad diidday inaad ii sheegto waxa aad u baahan tahay marka aad ku jirtay masjidka gudihiisa, bal hadda wax i weydiiso maadaama aadan masjidka ku jirin.”

Salim ayaa markaas ku yidhi, “Ma waxaan ku weydiistaa waxa aan adduunyada uga baahanahay mise waxa aan aakhiro uga baahanahay?”

Khaliifkii ayaa ku yidhi: “Saalimood i weydiiso waxa aad uga baahan tahay adduunyada, waxa aad aakhiro uga baahan tahayna Alle weydiiso.”

Salim ayaa markaas yidhi , “Hishaamoow, Alle ayaan ku dhaartaye, waxa aan adduunka uga baahanahay ma aanan weydiisanin xitaa Allihii iska lahaa adduunk oo dhan, marka sideen u weydiistaa qof aan adduunka lahayn?”

Khaliif Xishaam oo ay indhihiisa ilmo buuxisay ayaa yidhi oraahdiisii caanka ahayd ee ahayd: “Boqortooyadeyda oo dhan waxba kuma faleen haddii aan ahaan lahaa sida Salim,:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *