Waa tee arrinta ugu weyn ee sababta cirrada timaha?

Dad badan waxay isweydiiyaan sababta iyagoo aan da’dii loogu talogalay gaarin uga soo baxdo cirro.

Khubarada caafimaadku waxay sababta inta badan ku qeexaan mid salka ku heysa dhaxal dinaca waalidiinta ah, laakiin waxaa jira waxyaabo kale oo soo dadajiya cirrada sida walwalka.

Arrinta ugu daran ee horseedda cirrada dadka da’da yar waa cabista sigaarka, sida lagu sheegay daraasad la sameeyay sanadkii 2013-kii.

Tani la yaab ma noqon karto maadaama sigaarku uu waxyeello u geysto qeybo badan oo ka mid ah jirka, sida wadnaha, beerka iyo sambabada.

Waxyaabaha kale ee cirrada keen waxaa ka mid ah fitamiinnada qaarkood, macdanta jirka, burutiinka badan iyo sidoo kale maaddooyinka loo yaqaanno B12, copper iyo iron.

Sidee looga hortagi karaa cirrada?

Dabcan cirrada ku imaata da;da awgeed ma aha mid laga hortagi karo, waxayna qofka ku billaabataa marka uu dhaafo 30 sano. 10 sano oo kasta xilligaas kaddib waxay cirrada noqotaa 10% ka mid ah timihiisa ilaa ay ugu dambeyn ka wada caddaadaan.

Laakiin waxaa jira siyaabo looga hortagi karo cirrada waqtigeeda kasoo hor marta iyadoo aan lacag badan lagu khasaarinin dawooyinka la mariyo timaha.

Raac talooyinkan:

  • Walwalka isaga bixi si kasta oo suuragal kuu ah.
  • Cun raashin caafimaad leh oo isu dheellitiran.
  • Cab biyo aad u badan.
  • Maalin kasta qaado xoogaa iftiinka qorraxda oo toos ah.
  • Maskaxdaada ka ilaali fikirrada khaldan.
  • Mar walba ku dheh jir dad samaha ku fikira.
  • Waqti kugu filan seexo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *