Wax qarsoon ma aha in ragga iyo dumarka ay dareenkooda jacayl u muujiyaan siyaabo kala duwan.
Halka gabdhuhu ay jecel yihiin in loo sheegto jacaylka, ragguna waxay ka aqristaan indhahooda.
Maanfur waxay idiin soo aruurisay astaamo dhab ah oo aad ku garan karto ninka ku jecel.
1- Wuu ku dhageysanayaa
Marar badan ayay dhacdaa inaan dadka la wadaagto sheekooyin aan xiiso lahayn, intooda badanna dhag jalaq uma siiyaan, ama madaxa ayay ruxaan iyagoo iska dhigaya inay ku dhageysanayaan.
Haddii uu nin xasuusto sheekooyinka ku saabsan qoyskaaga iyo qaraabadaada, taas micnaheedu waa inuu mudnaan siiyo hadalladaada.
Wuu ku dhageystaa. Sida uu u jecel yahay inuu agtaada joogo ayaa ka caawineysa inuu maskaxdiisa ku qabto dhammaan macluumaadka kasoo baxa afkaaga.
2- Waad ka il heleysaa durbadiiba
Ninka wax jecel khaldkiisa si dhakhso ah ayuu u qirtaa, waana laga il helaa, laakiin taas ma aha wax uu ku faraxsan yahay. Waa ku talagal iyo dulqaad uu ka keenayo jacaylka haya.
Wuxuu qaddariyaa fikradda haweeneydiisa.
3- Mar kasta isaga ayaa xal raadiya
Dadka qaar waxay ku xisaabtamaan in wax la kala qeybsado, haddey ahaan lahayd howl u baahan fulin iyo haddii fikrad la doonayaba.
Hase yeeshee, mar walba ninka wax jecel isaga ayaa dusha iska saara fulinta howlaha iyo xal u raadinta caqabadaha, wax mas’uulad ahna kuma saarayo adiga.
Tusaale ahaan, wuxuu jecel yahay in uu adiga kugu caawiyo dhammaan xirfadaha uu leeyahay.
4- Kama soo hor jeesto inuu la xiriiro qoyskaaga
Gabdho badan waxaa caadi la ah in ay xiriir la wadaagaan nin iska ilaaliya la hadalka iyo la kulanka waalidiinteeda. Haddaba taasi ma aha astaan fiican.
Ninka ku jecel ku tijaabi in uu waalidkaaga la hadlo. Haddii uu diyaar u yahay inuu isla waqtigaas la hadlo aabbahaa, ogow si dhab ah ayuu kuu jecel yahay.
Dhib kuma aha inuu xitaa la kulmo aabbahaa oo horay militariga uga tirsanaan jiray, ama ayeeyadaa oo qof ad adag ah.
5- Cunto ayuu u kariyaa si uu kaaga farxiyo
Haddii uu nin cunto u kariyo si uu adiga kaaga farxiyo, waa astaan jacayl.
Inta badan, cunto karinta waxay ragga ku tahay culeys, howl badan ayayna uga baahan tahay. Balse adiga dartaa ayuu diyaar ugu yahay.
6- Socdaal ayuu idiin qorsheynayaa mana illoobo taariikhda
Inta badan arggu waxay matalaan inay diyaar u yihiin la kulanka dumarka ay xiriirka la wadaagaan; gabadha ayaana mar walba qorsheysa wax kasta.
Laakiin ninka wax jecel mas’uuliyad gaar ah ayuu arrintaas iska saaraa, xilli kastana wuxuu ka fikiraa inuu qorsheeyo safarro iyo munaasabado lama filaan ah, si uu kaaga farxiyo.
7- Quruxdaada shaki ugama jiro
Waxaa caadi ah in haweenka wajigooda uu mararka qaar u dhalaali waayo sidii loo baahnaa, ama ay ka gaabiyaan agabka la isku qurxiyo.
Ama xitaa waxaa jira mar uu wajigooda xasaasiyad yeesho oo nabro ay kasoo baxaan. Mar ay si aan loo baahneyn u cayilaan ama u caatoobaan.
Intaasoo dhan ninka ku jecel uma muuqdaan, mar kastana wuxuu afka ku hayaa quruxdaada, sababtoo ah jirkaaga ma jecla ee wuxuu jecel yahay qofnimadaada.
8- Wuxuu diyaar u ayahy inuu kuu tanaasulo
Haddii uu baddalo qorshihiisa kaliya si uu adiga kaaga farxiyo, shirar muhiim ahna uu dartaa u baajiyo marka aad xanuunsan tahay, taasi waa astaan muujineysa jacayl dhab ah.
Ninka sidaas sameeya wuxuu kuu caddeeyay inaad tahay qofka ugu muhiimsan noloshiisa.
9- Wuu ku farxaa horumarkaaga, wax aan habbooneyn ayuuna kugu taageeraa