U gaar ah dadka khuuriya: Talooyinkan qaado si aad u joojisid

Ma jiro qof jecel in uu khuuriyo, haddana ma aha wax dad badan ay xal u hayaan si ay khuurada u joojiyaan. 

Mararka qaarkood qofka khuuriya waxaa soo food saara walwal, wuxuuna dhibsadaa arrintaas oo uu mar walba doonayo sidii uu uga xoroobi lahaa.

Hase yeeshee, dhibaatada ugu badan waxaa la kulma dadka gogosha ama qolka la wadaa qof khuuriya, maadaama dadka cilladaas heysato ay badankood cod aad u dheer ku khuuriyaan.

Tusaale ahaan, xaaska uu ninkeeda khuuriyo, ninka ay xaaskiisa khuuriso ama qofka uu saaxiibkiisa qolka kirada la wadaaga khuuriyo waa dadka ay dhibaatada ugu weyn heysato.

Qofka dhibkaas lagu qabana, qudhiisa ciriiri ayuu dareemaa marka loo sheego in khuuradiisa laga seexan waayay.

Haddaba kuwani waa talooyin dhowr ah oo kaa caawin kara in aad joojisid khuurada lagugu dhibsaday, adiguna aad nacday.

Sida aan ognahay, khuurada waxay ka dhalataa qofka oo ay dhib ku tahay in uu si fiican sanka uga neefsado.

Ogoow in khuuradu aysan ahayn wax aad u xun, inkastoo walwalka ay horseeddo uu dhib kuu keeni karo.

  • Xal ku meel gaar ah

– Baddal qaabka aad mar walba u seexatid. Khubarada caafimaadka waxay sheegeen in badanaa aan khuurinno marka aan u seexanno dhabar dhabar oo wajigeenna uu xaga sare u jeedo.

– Isku day in aad dhinac dhinac u xeexato, waxayna u badan tahay in aadan khuurinin.

– In aad madaxa xoogaa kor u qaaddid oo barkin tii hore ka yara sarreysa aad ku seexatid ayaa sidoo kale ku caawin karta.

– Qofka la seexda ruuxa khuuriya isagana waxaa lagula talinayaa in uu seexdo waqti ka horreeya xilliga uu seexdo qofka khuuriya. Sidoo kale waxaa habboon in aad xoogaa ka fogaatid haddii ay suuragal tahay.

  • Xal kama dambeys ah

– Isbaddal ku samee jirkaaga. Tusaale ahaan, miisaanka iska dhin.

– Caadeyso in aad hurdo badan heshis habeenkii, waqti go’anna habeen walba sariirta tag oo seexo.

– Xal u raadi si aad isaga yareysid daalka badan ee maalintii aad la kulantid, sababtoo ah mid ka mid ah arrimaha ugu waaweyn ee khuurada keena waa qofka oo daal farabadan dareemay.

– Jooji maandooriyaha, sida qaadka, sigaarka iyo balwadaha kale ee la midka ah.

– Haddii intaas oo dhan kaddib ay khuurada kaa joogsan weyso, la xiriir taqtar, waayo waxaa laga yaabaa in uu kuu helo daawooyin ku caawiya.

Haddii aad ku faa'iiddo talooyinkan fadlan noogu soo sheeg comment-ga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *