Turkiga ma wuxuu sameysanayaa hub aan dunida laga heysanin?

Turkiga ayaa qorsheynaya inuu sanadka 2023-ka duuliyo diyaarad cusub oo nooca dagaalka ah, taasoo lagu sameeyay gudaha dalkaas horayna aysan cid kale u heysanin.

Arrintan waxaa shaaciyay madaxa hayadda tiknoolojiyadda Turkiga ee magaceeda loo aqaanno Baykar.

Hadalka Selcuk Bayrakhtar ayaa yimid kaddib markii Turkiga uu u suuragali waayay mashruuc uu ku iibsan rabay diyaaradda dagaalka ee F-35 oo laga leeyahay Mareykanka.

Waxaa Turkiga diyaaraddaas loo diiday markii uu Ruushka ka soo iibsaday qalabka difaaca hawada ee S-400.

Hase yeeshee waxa ay marmarsiiyada ahayd in qalabka difaaca iyo diyaaradda F-35 aysan isla fal gali karin.

Mas’uuliyiinta Turkiga qudhooda ayaa sheegay in qalabka difaaca hawada uu muhiim u yahay balse khasaaraha kasoo gaaray uu ahaa inay waayeen diyaaradihii ay sugayeen.

Diyaaradda cusub ee uu Turkigu iskiis u sameysanayo ayaan wali wax magac ah loo yeelin.

Muuqaal ku wareegaya baraha bulshada ayuu madaxa Baykar ku sheegay in hayaddu ay muddo afar ilaa shan sano ah ka shaqeyneysay farsamada diyaaraddaas nooca dagaalka ah.

“Maadaama ay suuragal tahay in au adkaato helitaanka hubka dibadda ama cunaqabateyn nala saaro marka aan iibsaneyno kumbuyuutarrada iyo qalabka aannaan heysanin, hay’addeenna qaranku waxay awood u yeelatay in ay si madax bannaan u sameysato wax walba,” ayuu yidhi.

Wararka ayaa intaas ku daraya in diyaaraddan laga dhigayo mid duuli karta iyadoo uu duuliye saaran yahay iyo iyadoo uusan saarneyn labadaba.

Turkiga ayaa isku dayaya inuu ka maarmo hubka uu ugu tiirsan yahay dalalka reer galbeedka, sida Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka.

Dhawaan ayay ahayd markii Ankara ay ku dhawaaqday inay si iskeed ah u sameysatay Taangiyada Altay oo ay muddo 15 sano ku dhow ku mashquulsaneyd. Taangigaas ayaa matoorkiisa waxaa u diiday Jarmalka, laakiin Turkiga ayay u suuragashay inuu si kale ku helo.

Sanadihii ugu dambeeyay Turkiga wuxuu dhisayay awooddiisa dibadda, waxaana uu heystaa diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn oo aad uga caawiyay dagaallada dibadda, sida midka dalka Liibiya.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *