Toddobadan arrimood caadeyso maanta laga billaabo

Qof walba wuu jecel yahay inuu helo talooyin ka caawinaya inuu noloshiisa ku hormariyo, talooyinkaas ha noqdaan kuwo uu awoodo ama kuwo uga baahan in uu dadaal dheeri ah ku bixiyo.

Waxaa jira toddobo arrimood oo u qalma in aad caadeysatid laga billaabo maanta iyo wixii ka dambeeya.

1- Hurdada

24 saac oo walba ka seexo siddeed saacadood oo xiriir ah. Saacadahaas waxaa aad muhiim u ah in ay habeen ahaadaan.

Dad ayaa dhaha maalqabeennada ma seexdaan 8 saacadood, waana sababta ay hantida u sameeyeen oo waqtigooda intiisa badan waxay ku jiraan dadaal.

Laakiin, waa hubaal, adigoo caafimaadkaaga xaqiijiyay, oo hurdo fiican helay ayaad haddana hanti sameyn kartaa.

2- Jimicsiga

Xaqiiji in isbuucii aad ilaa saddex jeer jimicsi dhammeystiran sameysid. Jimicsiga wuxuu noqon karaa in aad nooc ciyaaraha ka mid ah ku jimicsatid ama gym sameysid ama jimicsi kale gurigaaga dhexdiisa ku sameysid.

Noocyada jimicsiga ee ugu haboon waad ogaan kartaa, laakiin hubi in aad joogteysid.

Ma ogtahay in jimicsiga uu keeno firfircooni, farxad iyo kalsooni dhinaca nafta ah?

3- Socodka

Socodka waa sida ugu sahlan uguna saameynta badan ee lagu xakameeyo miisaanka. Seynisyahannada caafimaadka iyo dhakhaatiirtaba waxay isku raaceeb in cayilka uu sababo dhibaato caafimaad.

Haddaba si aad miisaankaaga ula socotid lugee maalin walba masaafe aan wax kuu dhimeynin.

4- Wax akhris

Fahamka maskaxda waxaa aad u xoojiya wax akhriska. Sidoo kale akhrintu waxay qofka ka caawisaa in uu si fiican u barto luuqadaha.

Xitaa Qur’aanka Kariimka ah akhrintiisa ayaa waajib nagu ah, loona baahan yahay in aan maalin kasta joogteyno.

Ha iloobin in aad akhris sameyso maalin walba.

5- Biyaha 

Biyo badan cab. Inteenna badan waan ognahay faa’iidada ay leedahay in biyo badan la cabo laakiin waan ilownaa ama waqti ma siinno arrintaas muhiimka noo ah caafimaad ahaan.

Si aad biyo kugu filan u cabtid sameyso jadwal iyo cabir biyo oo maalin walba aadan ka hoos marin.

Sida ugu sahlan ee aad biyo badan ku cabi kartid waa inaad heysatid buraashad mar walba kuu dhaansan.

6- Caawinaad

Mar walba xasuusnow in aadan culeys xad dhaaf ah isku saarin howlaha lagaaga baahan yahay. Dadka saaxiibbadaada ah ama kuwa kugu hareereysan ka codso in ay ku caawiyaan marka aad caawinaad u baahan tahay.

Taasi waxay meesha ka saareysaa walwal badan oo kaa soo wajihi lahaa markii aad isku daydid in aad kaligaa isku koobtid arrimo ay tahay in lagaa kaalmeeyo.

7- Telefoonka

Xilli ka mid ah wakhtigaaga ka fogow telefoonkaaga. gaar ahaan marka aad seexaneysid ha yaallo telefoonka meel kaa fog.

Waxaa jira shucaac kasoo baxa adeegga uu ku shaqeeyo qalabka isgaarsiinta, mar walbana kuuma habboona in aad ka ag dhawaatid. Ugu yaraan saacadaha aad jiiftid ka naso.

Sidoo kale marka aad wax akhrisaneysid iyo marka aad jimicsiga sameyneysid telefoonka iska illow.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *