Su’aashii ugu cajiibsanayd ee ay ka jawaabtay Aisha Romano

Silvia Romano, oo markii ay diinta islaamka qaadatay la baxday Aisha, waa gabar u dhalatay Talyaaniga oo muslimad noqotay markii la afdubtay kaddib.

Gabadhan oo ka shaqeyn jirtay samafalka ayay koox hubeysan oo lala xiriiriyay Al-Shabaab ka afduubteen waqooyiga-bari ee Kenya bishii November ee sanadkii 2018-kii.

Markii lasii daayay oo ay sheegtay inay diinta Islaamka qaadatay waxaa lagu soo dhaweeyay Talyaaniga, inkastoo aflagaaddo badan ay kula kulantay baraha bulshada.

Wareysiyo dhowr ah oo ay Aisha bixisay ayaa mid ka mid ah su’aalihii ugu waaweynaa ee ay sida ugu cajiibsan uga jawabatay waxay ahayd:

Maxaad diinta ka aaminsaneyd inta aan lagu afduubanin ka hor?

Jawaabteeda oo dad badan ka yaabisay ayaa u dhigneyd sidan:

“Ka hor inta ana la i afduubanin waxaan ahaa qof gabi ahaanba sidan waji kale u leh Alle; waxaan isku tilmaami jiray inaan ahay qof aan diin heysanin, oo Alle aaminsaneyn jiritaankiisa.

“Mararka qaar, markii aan maqlo musiibooyinka aan tirada lahayn ee ku dhacaya adduunka, waxaan hooyadeey ku dhihi jiray: ‘haddii uu Alle jiro dhibaatadan ma dhici lahayn. Waxay ila tahay Alle inuusan jirin. Haddii uu jiri lahaa waxyaabahan xun xun ma uusan oggolaan lahayn’.

“Laakiin marar dhif ah unbaan waxaas ka fikiri jiray. Inta badan waqtigeyga waxaan ku qaadan jiray sidaas si ka duwan. Nolosheyda ayaan raaci jiray iyo sida aan jeclahay, riyooyinkeyga iyo wax kasta oo i farxad galiya.”

Wareysiga Aisha(Silvia) Romano waxay siisay warbaahinta La Luce.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *