Sida ugu habboon ee aad ku kordhin karto caafimaadka maskaxdaada

Si aad u kobciso shaqada maskaxdaada, aqriso maqaalkan.

Daraasad cusub ayaa muujineysa qaabka ugu wanaagsan ee lagu xoojin karo awoodda iyo caafimaadka maskaxda bani’aadanka.

Haddii aad tahay qof jecel cunista shukulaatada (sida ay dadku u badan yihiin) ku bishaareyso in ay shukulaaadu runtii hormariso shaqada maxkamada.

Daraasad lagu daabacay Wargeyska Scientific Reports ayaa lagu ogaaday in caafimaadka dadka waaweyn uu uu horumar la taaban karo sameeyay kaddib markii ay isticmaaleen maaddooyinka lagu daro shukulaatada.

14 qof oo ka mid ah 18 ruux oo daraasadda lagu sameeyay ayaa lagu arkay horumarkaas iyagoo la marsiiyay tijaabooyin lagu eegayay isbaddalka ku dhacay.

Daraasado hore oo ay cilmi baareyaasha arrintan ku baareen ayaa muujiyay in cunista raashinka ay ku badan tahay maaddada afka qalaad lagu yiraahdo “flavanols” ay sababaan firfircoonida shaqada jirka.

Hase yeeshee,  tani waa daraasadii ugu horreysay ee si toos ah isula xiriirisay cuntooyinkaas iyo howlaha maskaxda.

Dadka ay sida gaarka ah u caawinayaan cuntooyinkaas ay ka mid tahay shukulaatada waa dhallinyarada.

Haweeneyda cilmi baaraha ah ee lagu magacaabo Catarina Renderio oo cilmiga seyniska nafaqada ka dhigta Jaamacadda  Birmingham ayaa hoggaamineysay daraasaddan.

Barfasoorrada cilmi nafsiga ka dhiga Jaamacadda Illinois ee lagu kala magacaabo Monica Fabiani iyo Gabriele Gratton ayaa sidoo kale ka qayb qaatay sameynta daraasadda cusub ee lagu ogaaday waxtarka ay shukulaatadu u leedahay maskaxda.

Saddex faa’iido oo kale ayaa laga helaa cunista shukulaatada.

  • Nafaqooyin kala duwan ayay ka kooban tahay, kuwaasoo uu jirku ka helo macdan iyo fitamiinno aad u badan, sida Iron, Fiber, Magnesium, Copper, Manganese, Potassium, Phosphorus, Zinc iyo Selenium.
  • Waxay fududeysaa dheef shiidka, cilmi baareyaashuna waxay in raashinka kale oo dhan ay uga badan tahay shaqadaas.
  • Shukulaatadu waxay xoojineysaa caafimaadka wadnahaaga, sida ay khubaradu ku sheegeen daraasaddooda.

Waxyaabaha kale ee ay dhakhaatiirta iyo seynisyahannadu ku taliyaan inay u fiican yihiin caafimaadka maskaxda waxaa ka mid ah nasiinada iyo u fikirka habka wanaagsan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *