Ra’iisul Wasaaraha Pakistan ayaa u istaagay difaaca Nabi Muxammad (NNKH), kaddib markii muddooyinkii lasoo dhaafay ay soo bateen ficillada wax loogu dhimayo sharafta Rasuulka.
Imran Khan oo Sabtidii shalay hadlay ayaa dowladaha reer galbeedka ku booriyay inay sharci darro ka dhigaan aflagaaddada loo geysto nabi Muxammad (CSW), ayna ku daraan waxyaabaha aan qeybta ka ahayn xorriyadda hadalka ah sida hadallada yuhuud naceybka ah.
Isagoo walaac ka muujinayay islaam nacaybka soo batay waayadan, gaar ahaan dalalka reer galbeedka gudahooda, ayuu Khan oo qoraallo xiriir ah soo dhigay bartiisa Twitter-ka yidhi: “Waxaan ugu baaqayaa waddamada reer galbeedka ee mamnuucay hadallada yuhuud naceybka ah inay isla sidaasoo kale u mamnuucaan ayna joojiyaan kuwa sida ula kaca ah u fidinaya farriimaha ay ku weerarayaan islaamka iyagoo wax u dhimaya sharafta nabigeenna (NNKH).”
I also call on Western govts who have outlawed any negative comment on the holocaust to use the same standards to penalise those deliberately spreading their message of hate against Muslims by abusing our Prophet PBUH.
— Imran Khan (@ImranKhanPTI) April 17, 2021
“Kuwa ku sugan dalalka reer galbeedka, oo ay ku jiraan siyaasiyiinta midigta fog, ee sida ulakaca ah u sameeya tacaddigaas iyo naceybkaas iyagoo adeegsanaya xorriyadda hadalka waxay si cad u la’ yihiin karti ay ku raalligaliyaan muslimiinta tiradoodu tahay 1.3 bilyan ee ay dhaawaca u geysteen,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Khan.
“Waxaan dalbaneynaa inay na raalligaliyaan kuwaas xagjirka ah.”
Those in the West, incl extreme right politicians, who deliberately indulge in such abuse & hate under guise of freedom of speech clearly lack moral sense & courage to apologise to the 1.3 bn Muslims for causing this hurt. We demand an apology from these extremists.
— Imran Khan (@ImranKhanPTI) April 17, 2021
Hadalka Ra’iisul Wasaare Imran Khan ayaa daba socday qoraal uu Twitterka soo dhigay siyaasi u dhashay Holan oo lagu magacaabo Geert Wilders, kaasoo ka soo jeeda xisbi islaamka neceb.
Wilders ayaa ka codsaday Khan inuu soo xiro madaxa xisbi diimeedka kasoo horjeeda Faransiiska, Saad Rizvi, uuna mamnuuco “Xisbiga Islaamku madax maray”, ee soo saaray amarka diimeen ee ka dhanka ah xildhibaanka islaamka kasoo hor jeeda ee abaabulay tartanka sawirrada katoonka.
Dowladda Pakistan ayaa Khamiistii xayiraad kusoo rogtay ururka Tahreek-e-Labbaik Pakistan (TLP), oo ah koox isbuucii lasoo dhaafay mudaharaadyo ka sameysay magaalooyinka waaweyn ee dalka Faransiiska.
Urur diimeedkaas ayaa dalbanayay in la qarxiyo safaaradda Faransiiska sababo la xiriira sawirrada kartoonka ah ee wax loogu dhimay sharafta nabiga (NNKH).