Qeexitaanka ugu wanaagsan ee Jacaylka lagu sameeyay

Shaki kuma jiro in jacaylku uu jiro, maadaama xitaa lagu sheegay qur’aanka Kariimka ah.

Noocyo badan oo jacayl ah ayaa jira, sida kan waalidka iyo carruurtooda, midka walaalaha iyo kan dhex mara dadka saaxiibbada ah.

Laakiin dabcan waxaan ka hadleynaa jacaylka dhex mara lamaaneyaasha ee ujeeddadiisu tahay in uu ku biyo shubto guur aqal lagu yagleelo.

Waxaad maqashaa dad dhibaato iyo xanuun ka maray jacayl ay faraha la galeen iyo xitaa dad isku dilly jacayl dartiis. Waxaa kale oo xusid mudan in ay jiraan dad ku guuleysta jacaylkooda oo heerkii ay rabeen la gaara.

Waxaase hubaal ah in dad badan aysan aqoon u lahayn mowduucan mararka qaarna ay si kedis ah ugu dhex dhacaan iyagoo aan wax khibrad ah u lahayn.

Waa maxay Jacayl? 

Su’aashan qofka si ayuu uga jawaabaa. Dadka qaar waxay diiradda ku saaraan dhinaca seyniska, qaarna dhinaca dareenka, halka kuwo kalena ay ka eegaan dhinaca cilminafsiga.

Waa sax in uu yahay dareen dhex mara labo ruux, mararka qaarkood haba ahaado mid hal dhinac ka socdee.

Mid ka mid ah qeexista lava bixiyay ayaan halka idinkula wadaageynaa, waxaana suuragal ah in aad u aqoonsatid qeexitaanka ugu wanaagsan ee jacaylka.

Qeexid: Jacaylku waa marka aad qof kale siiso awoodda uu kugu burburin karo, haddana sidaas oo ay tahay aad aamintid ama ku kalsoonaatid in uusan awooddaas u adeegsan doonin burburintaada.

Tani micnaheeda waa in marba haddii uu jacaylku yahay dareen ay khasab tahay in qof loo qaado aad qofkaas ku aamineysid qalbigaaga, qofkaasna uu awood u yeelanayo in qalbiga uu kaa jebiyo.

Hase yeeshee aad ku xisaabtameysid in uusan marnaba dhabarjebin kugu sameyn doonin oo uusan ku khiyaaneynin.

Haddii ay wax khaldamaan waxay inta badan noqotaa arrin lama filaan ah oo qalbi ahaan dhaawac weyn kasoo gaari karo qofka loo adeegsaday awooddii uu qof kale ku aaminay.

Fadlan qeybta comment-ga noogu sheeg haddii uu jiro qeexitaan ay kula tahay in uu ka wanaagsan yahay midka aan qormadan ku xusnay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *