Ninkii Bambo uu caano ka dhigay ku qarxiyay markab

Rag badan oo madow ah ayaa ficillo geesinimo leh ka sameeyay Dagaalkii Labaad ee Adduunka, laakiin lama siinin xuquuqda sharafeed ee ay mudnaayeen. 

Waxaa la billaabay olole lagu raadinayo in la sharfo halyeeyadii madowga ahaa ee la hilmaamay ee kaalinta muhiimka ah kasoo qaatay Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Ragga la xusay waxaa ka mid ah Job Maseko, oo ciidamadii xulafada ee Mareykanku hoggaaminayay kala qayb qaatay Dagaalkii ay Jarmalka kula galeen Waqooyiga Afrika.

Ninkan ayaa la sheegay inuu bambo ku sameeyay gasac caano kaddibna uu ku qarxiyay markab dagaal oo uu Jarmalka lahaa.

Mr Maseko oo horay u ahaa macdan qodato waxa uu u dhashay dalka Koonfur Afrika.

Markii hore waxaa midabkiisa ku cunsuriyeeyay ciidamadii caddaanka ahaa kaddibna dowladdiisa ayaa ka hagratay in la siiyo sharaftii uu mudnaa.

Intii uu dagaalka socday ayuu Job gacanta u galay ciidamadii Jarmalka iyo Talyaaniga ee is garabsanayay kaddib markii ay magaalada Tabrouk oo uu ku sugnaa la wareegeen Jarmalka bishii June ee sanadkii 1942-kii.

Laakiin markii dambe waxaa u suuragashay inuu baxsado.

Qaabkii uu u qarxiyay Markabka

Bill Gillespie, oo ka mid ah dada wads ololaha sharafta loogu raadinayo halyeeyadii la hagraday, ayaa sheegay in Job uu bambada sameeyay isagoo isticmaalaya gasacyada lagu soo shubi jiray caanaha warshadeysan uuna jaangadeeda u sameeyay sida meesha laga furo gasaca.

Waxaa la aaminsan yahay in markabka uu durba biyaha ku quusay markii ay bambadaas ku sameysay qarax aad u weyn.

Bill wuxuu yidhi: “Wuxuu tuuray banbadii islamarkiina wuxuu ku cararay oo uu ku biiray saaxiibbadiisii ku sugnaa dekedda. Saacado yar kaddib waxaa dhacay qarax aad u baaxad weyn.”

Gasaca bambada ah ayaa ahaa mid aan laga shakineynin, lamana fahmin muddadii ay ku qaadatay inuu qarxo.

Bill wuxuu aaminsan yahay in ficilladii uu Job Maseko sameeyay ay qayb ka yihiin sababii looga adkaaday Jarmalka.

Hase yeeshee, markii uu dagaalka dhammaaday ee abaalmarinnada sharafeed la siinayay askartii caddaanka ahayd waxaa la gacan bidixeeyay halyeeyadii reer Afrika ee doorka lama illaawaanka ah ciyaaray.

Si gaar ah, Job waxaa billaddii uu mudnaa ka hor istaagay maamulkii Koonfur Afrika oo sheegay in tallaabadaas ay ku fureyso waddo.

Inkastoo taliskii militariga Ingiriiska ay u magacaabeen liiska dadkii muteystay abaal marintii heerka sare ee loo yaqaannay Victoria Cross haddna waxaa la guddoonsiiyay oo kaliya billadda heerka ugu hooseeya ee militariga Koonfur Afrika.

Markii uu howlgabka noqdayna, Job waxaa loo qoray lacag aad u yar oo howlgabnimada lagu siinayay, isagoo faqri ah ayuuna geeriyooday kaddib markii uu jiiray tareen sanadkii 1952-kii.  

Magaalada KwaThema waxaa ku yaalla Dugsi Hoose/Dhexe oo loogu magac daray Job, si loogu sharfo.

Sanadkii 1997-kii ayay ciidanka badda ee Koonfur Afrika mid ka mid ah gantaalladooda magaca ka baddaleen, waxayna ugu magac dareen Job Makeso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *