Nin Soomaali ah oo waddan dhan Muslimiyay (si layaab leh)

Wuxuu u babac dhigay Jin badda kasoo bixi jiray oo laga caabudi jiray waddankaas.

Kutubta cilmiga taariikhda waxay ka sheekeynayaan qisada nin Soomaali ah oo sheeko cajiib ah ay dhex martay waddan uu qaab habow ah ku tagay. Sheekh Xasan Xuseen Aadan, oo ku magac dheer “Sheekh Xasaan” ayaa qisadan uga sheekeeyay kitaan uu ardaydiisa u sharraxayay.

Ninkan oo ka baxay Muqdisho ayaa doon uu watay la habaabay, markii uu in muddo ah socdayna waxay la tagtay Jasiiradda Maldives oo maanta ka mid ah waddamada caalamka, gaar ahaan kuwa dalxiiska loo tago.

Arrintii cajiibka ahayd ee dhex martay ninka iyo sheydaankii la caabudayay

Waddankan ayaa inta uusan ninkaas Soomaaliga ah tagin laga caabudi jiray jin badda kasoo baxa oo sanadkiiba hal mar geed loogu xiri jiray gabar cad si uu u cuno.

Gabadha ayaa lafaheeda halkaas laga soo qaadi jiray si loo xabaalo, halkaas ayayna arrinta kasii socon jirtay.

Laakiin nasiib wanaag, xilligii gabadha geedka lagu xiri jiray oo ay maalmo ka harsan yihiin ayuu ninka Soomaaliga ah halkaas gaaray.

Boqorkii maamulka heystay ayaa loo sheegay in uu yimid nin cibaado badan markii uu la kulmayna wuxuu u bogay wadaadkii dhaqankiisa.

Arrintii sheydaanka ayaa loo sheegay wadaadkii, waxaana laga codsaday inuu joogo inta laga gaarayo, si uu ula argo.

Hase yeeshee wuxuu soo ban dhigay fikrad taas ka duwan, isagoo dalbaday in booskii gabadha lagu xiri jiray isaga lagu xiro, oo la isku daayo labadooda.

Quraan akhris ayuu galay wadaadkii isagoo meeshii ku xiran, wax u yimidna ma jirin.

Boqorkii iyo dadkiisii way aamini waayeen sidii ay wax u dhaceen. Waxaa laga codsaday inuu mar kale sugo inta laga gaarayo xilligii oo kale, si loo xaqiijiyo in jinkii uu markan caajisay iyo in uu ka adkaaday.

Ilaa saddex jeer ayaa lagu celceliyay arrintii, sidaas ayayna boqorkii iyo shacabkiisiiba ku rumeysteen diinkiisa, dhammaantoodna way wada muslimeen.

Sharciga Maldives ka jira maanta wuxuu dhigayaa in qof walba oo baasaboorka dalkaas qaadanaya ay waajib ku tahay inuu Muslim ahaado.

Waa kuma ninka?

Taariikh yahanka lagu magacaabo Ibnu Batuuta wuxuu ninkan ku tilmaamay inuu kasoo jeeday galbeedka Afrika, laakiin taariikh yahanno kale ayaa ku khilaafay oo ku eedeeyay inuu u jaheeyay gobolka uu isagu kasoo jeedo, balse xaqiiqadu ay tahay inuu ahaa Soomaali reer Muqdisho ahaa.

Magaciisa waxay dadka qaar ku sheegeen Cabdicasiis halka kuwo kalena ay ku tilmaameen inuu ahaa Cabdiqani.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *