Maxay tahay sababta ay dumarku uga hor duqoobaan ragga?

Qarsoodi ma aha in haweenku ay badanaa da’du durba ka muuqato marka loo eego ragga.

Daraasado aad u badan ayay cilmi baareyaasha ku raadiyeen sababta ay da’da ugu degdegto dumarka, inkastoo dhanka kale khubaradu qaar ay aaminsan yihiin in cimri dheerida ay ku badan tahay haweenka.

Marka ay timaaddo kasoo muuqashada da’da, la yaab malaha in sababaha qaar ay ku soo biyo shubanayaan dumarka oo gaar ku ah arrimo ay ka mid yihiin dhalmada iyo caadada joogtada ah ah oo wax u dhimi kara muuqaalkooda dusha sare.

Liiskuna dabcan intaas kuma eka, oo waxaa jira sababo kale oo ay soo badhigeen seynisyahannafa caafimaadka.

1- Dumarku waxay dhibaato kala kulmaan walwalka si ka daran ragga

Sida uu qabo Dr Judith Mohrin, oo ah khabiir ku xeel dheer arrimahan, haweenku waxay u nugul yihiin niyad jabka, gaar ahaan matka ay xaaladaha ku saabsan yihiin culeyso ama cadaadis dhanka shaqada ah.

Marka isbarbardhig lagu sameeyo ragga iyo haweenka waxaa dhibaatadaas aad ugu sii nugul dumarka.

Qaar ka mid ah hormoonnada ayaa ku shaqo leh abuuritaanka walwalka, waxayna ku badan yihiin haweenka.

Taadi waxay horseeddaa in uu degdego cimriga muuqaalka oo sidaas uu qofku ugu muuqdo mid ka weyn da’diisa saxda ah.

2- Haweenka carruurta leh oo u muuqda inay ka da’ weyn yihiin kuwa aan carruurta dhalin

Daraasad lagu sameeyay jaamacadda George Mason ee dalka Mareykanka ayaa lagu ogaaday in marxaladda uurka ay muuqaal ahaan haweeneyda u keento da’ dheeri ah oo gaareysa ilaa 11 sano.

Sababta ugu wayn waa in dumarka dhala ay ku yaraadaan unugyada jirka ka difaaca dhaawacyada iyo dabaca (chromosome) halka ay aad ugu badan yihiin dumarka aan waligood dhalin.

3- Maqaarka ragga oo ka adag kan dumarka

Sida ay qabaan dhakhaatiirta iyo khubarada ku xeel dheer cilmiga shaqada jirka bani’aadan, maqaarka raggu wuxuu 25% ka adag yahay kan dumarka.

Walow ay dadku kala duwan yihiin haddana qiyaasta guud waa sidaas.

Sidaas darteed dumarka waxaa durba kusoo deg dega laalaabka ku yimaada maqaarka oo ay uga dhow yihiin ragga, maadaama ay ka maqaar jilicsan yihiin.

Sababo kale oo intaas kasii badan ayaa jira, kuwaasoo qaarkood ay ku biyo shubanayaan hormoonada jinsiga iyo hidda sidaha (DNA).

Waxaase xusid mudan inay jiraan da’ faro ku tiris ah, rag iyo dumarna leh, oo si dabiici ah aysan uga muuqanin da’dooda saxda ah, mar walbana loo maleeyo inay aad uga yar yihiin sanadkooda.

Dabcan taasina waa hibo gaar ah oo dadka qaarkood uu Alle ku manneysto halka qaarna ay u muuqdaan inay aad uga weyn yihiin da’ooda saxda ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *