Maxay iskaabulada u leeyihiin shiir u gaar ah?

Waxaa jira macluumaad dhinaca seyniska iyo cilmi nafsiga ah oo nagu saabsan, balse waxaad mooddaa inaan mararka qaar iska indho tirno.

Boqorkii Faransiiska soo maray ee la odhan jiray Louis XIV wuxuu aad ugu waalnaan jiray carafta oo uu jeclaa.

Meel walba oo ka mid ah qasrigiisa waxaa la dhigi jiray ubaxyo carfaya, qolalka oo dhanna waxaa lagu buufin jiray barafuun.

Xitaa martida u imaata waa lasoo carfin jiray ka hor inta aysan galin qasriga boqorka.

Sababtu ha ahaato in nadaafadda uu rabay aysan gaarsiisneyn heerka uu filayay ama ha ahaato inuu shakhsi ahaan isaga jeclaa carafta badan laakiin Louis wuxuu fahansanaa muhiimadda ay caraftu leedahay.

Hadba sida uu jirkeennu usoo carfo/shiiro waxay mar walba muujineysaa xog gaar ah oo nagu saabsan, sida inaan qabno cudurro.

Tusaale ahaan, cudurka kalooraha wuxuu u shiiraa sida wax macaan oo kale halka sokorowga uu u shiiro sida tufaax qurmay oo kale.

“Sidoo kale waxay muujin kartaa qaabka ay tahay cuntadeenna,” ayuu yidhi Mehmet Mahmut, oo cilmi nafsiga la xiriira carafta ka dhiga Jaamacadda Macquarie, ee dalka Australia.

“Waxaa jira dhowr daraasadood oo aad mooddo inay iska soo horjeedaan ama isburrinayaan, laakiin kooxda aan la shaqeeyo waxay ogaadeen in qofka hilib cunistiisu ay badan tahay ay caraftiisu wanaagsan tahay,” ayuu yidhi.

Muxuu gaar u yahay shiirka iskaabulada?

Daraasad uu sameeyay Mahmut ayuu ku sharraxay farqiga u dhaxeeya shiirka iskaabulada iyo ragga xaasaska leh.

Wuxuu cilmi baaristan ku ogaaday in iskaabilada ay ka shiir adag yihiin kuwa aan iskaabulada ahayn, gaar ahaan ragga.

Sababtu waa in awoodda raganimada nimanka ay la socoto arrintaas, mar walba oo ay hoos usii dhacdana uu shiirka noocaasi ah sii yaraanayo.

Tani micnaheeda waa in ragga ay awoodda shahwadooda daciifto marka ay sii gaboobayaan ama ay carruur leeyihiin oo korna usii dhaafeen 40 sano.

Inkastoo daraasaddan laga qayb galiyay kumannaan qof haddana khabiirku wuxuu sheegay in aysan wali jirin caddeyn ku filan oo lagu adeegsan karo xogtaas.

 

2 thoughts on “Maxay iskaabulada u leeyihiin shiir u gaar ah?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *