Maxaad kala socotaa Culimadii Muslimiinta ee u dhintay Covid-19?

Qaar ka mid ah culimada aqoonyahannada ah ee ugu caansan Muslimiinta iyo ducaadda faafiya diinta Islaamka ayaa u geeriyooday xanuunka safmarka ah ee Covid-19.

Dalal kala duwan ayay ku dhinteen, naxariistii Janno alle ha siiyo dhmmaantood.

1- Sheekha ABla al-Kahlawi

Waxay ahayd mid ka mid ah haweenka diinta Islaamka bara dadka ee aadka loo yaqaanno. Fayraska oo ay in muddo ah la xanuunsaneyd ayay u geeriyootay iyadoo 72 jir ah.

Dr Abla al-Kahlawi waxay wax kusoo baratay Jaamacadda al-Axhar.

Waxaa aad loogu bartay cashirrada maalinlaha ah ee ay salaadda Maqrib kaddib ka bixin jirtay Masjidka Xaramka ee Maka intii u dhaxeysay sanadihii 1987-kii ilaa 1989-kii.

2- Sheekh Falah Mandakar

Wuxuu ahaa wadaad aad loo jeclaa oo u dhashay dalka Kuwait, waxaana lagu yaqaannay inuu aad uga soo horjeeday fikirka xagjirnimada.

Wuxuu cudurka Covid-19 u geeriyooday isagoo ay da;diisu ahayd 70 sano.

Horay wuxuu usoo saaray Fatwo uu ku sheegay in dadka muslimiinta ah ee u dhimanaya cidirka corona ay yihiin shahiid.

3- Sheekh Cali Ibn Xasan al-Xalabi

Wuxuu ka mid ahas ardaydii ugu waaweynaa ee wax kasoo bartay Sheekh Nasiruddin al-Albani.

Sheekh al-Xalabi wuxuu ku xeel dheeraa seyniska la xiriira axaadiista nabiga NNKH.

Wuxuu qoray 150 buug buug, boqollaal warqadood sidoo kalena wuxuu duubay kumannaan saacadood oo darsi diini ah.

4- Dr Bilal Cabdul-Caalim 

Wuxuu ahaa sheekh dhakhtar ah oo safar ku tagay in ka badan 20 waddan oo ka tirsan Afrika iyo waliba Hindiya.

Inta badan meelaha uu tagayay wuxuu wakiil uga ahaa Maamulaha Sharja, Sheekh Sultan bin Muhammad al-Qasimi.

Koox culimo ah oo uu hoggaaminayay ayaa tagtay Soomaaliya oo uu dagaal ka socday sanadkii 1993-kii, sidoo kalena waxay tageen Rwanda sanadkii 1995-kii.

Soomaaliya markii uu joogay isagoo la shaqeynayay ciidamada Imaaraadka iyo kuwa Pakistan, Dr Bilal wuxuu maalin kasta daweynayay in ka badan 1,000 qof oo isugu jiray haween iyo carruur waxyeello kasoo gaareysay dagaalladii ba’daa ee ka socday dalka.

5- Sheekh Ghassan Yuunis

Wadaaddkan oo lagu naaneysi jiray Abuu Hureyraha Masjidka Al-Aqsa, wuxuu ahaa qof ay yaqaannaan dadka soo booqan jiray masjidkaas barakeysan tan iyo sanadkii 1948-kii.

Inta badan waxaa la arki jiray isagoo quudinaya bisadaha aan cidna lahayn iyo kuwa soo luma. Sidoo kale wuxuu raashin siin jiray shimbiraha.

6- Sheekh Saalax Cumar 

Waa aabaha dhalay Sheekh Maxamed Saalax, oo ah soo jeediyaha barnaamij caan ah oo la yiraahdo Ask Huda oo ka baxa telefishinka Huda oo ah kanaal islaami ah oo caan ah kuna baxa luuqadda ingiriiska.

7- Sheekh Nuur Baaruud Gurxan

Wuxuu ka mid ahas culimadii ugu caansanaa Soomaaliya ee kasoo shaqeeyay baridda iyo faafinta cilmiga diinta.

Isagoo indhaha naafo ka ah ayuu muddo dheer aqrin jiray tafsiirka Qur’aanka kariimka ah oo ay dad badan ku taxnaayeen.

Waayadii dambena wuxuu ka shaqeyn jiray sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada dabo dheeraatay ee Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *