Maku riyootaa adigoo lagu cayrsanayo? (Fasirka waa kan)

Aad bay dadka ugu badan tahay riyada ku saabsan qofka oo la eryanayo.

Mararka qaar waxaad ka carareysaa ruux kale mararka qaarna xayawaan ama waxyaabo kale oo cabsi leh.

Hase ahaatee fasorka riyadaas ama waxa ay ku saabsan tahay ma aha mid u cabsi badan sida waxa aad ku riyooto.

Haddaba fasiraadda riyadaas waa sidan.

Mar walba way kala duwanaan karaan waxa ku eryanaya, riyo kastana wax bay noqon karaan.

Mararka qaar maba taqaannid waxa ku eryanaya ama aad ka carareyso, kaliya waxaad ogtahay inaad ordeyso oo aad cabsaneyso.

Cabsida, marka laga eego dhanka cilmi nafsiga, waa dareen kugu jira oo soo kaca marka aad la kulanto wax aad aaminsan tahay inaadan iska celin karin.

Gaar ahaanna waa wax aad dooneyso inaad wajahdo balse awood kugu filan aadan u lahayn.

U fahan riyadaada farriin uu kuusoo diray adduunka oo uu kuu soo mariyay maskaxdaada si uu kaaga caawiyo waxa aad la tacaaleyso markaas.

Aan eegno qaar ka mid ah waxyaabaha aad u baahan tahay inaad wajahdo iyo waxa ay kaaga dhigan tahay riyada lagu eryanayo.

Waxaad u baahan tahay xallinta xaalad kugu adag

Fasirka riyooyinka wuu adag yahay mararka qaar, riyadaadana waa inaysan noqonin xasuus ku saabsan wax kugu dhacay yaraantaadii, maadaama mar mar lagu riyoodo wax kusoo maray.

Xasuusta qayb way ka noqon kartaa laakiin inta badan riyadu waa waxyaabaha ay maskaxdaadu ay waqti xaadirkaas ku mashquulsan tahay oo ay soo gocato inta aad hurdeyso.

Waxaa kale oo ay fasiraadda riyadan noqon kartaa:

* Maskaxdaada oo isku dayeysa inay hilmaanto wax dhib badan oo soo maray.

* In maskaxdi ay isku xiriirineyso qaar ka mid ah dhibaatooyinka ku heysta.

* In ay dooneyso sidii ay deg deg wax uga qaban lahayd xaalad taagan markaas oo culeys kugu heysa.

Si kasta oo ay ahaataba, riyadu waa howl ay maskaxda ku shaqo leedahay, seynisyahannaduna ilaa hadda wax sharraxaad ah uma aysan helin sababta uu qofka u riyoodo.

Dabcan waa cilmi aan ilaa hadda la gaarin, qof qax ka ogna uusan jirin sida ay ku dhacday in qof hurdaya ay maskaxdii howlahaasoo dhan qabato.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *