Isagoo hurdaya ayuu shaqeystay $16,000 – qaabkan ayey u dhacday

Nin toos hawada uga sii daaya muuqaallada maadeyska iyo madadaalada ah ayaa hal habeen gudihiis ku kasbaday lacag dhan $16,000 oo doolarka Mareykanka ah kaddib markii uu dadka u sameeyay barnaamij ay lacag ku bixinayaan si ay isugu dayaan in ay hurdada ka kciyaan.

Inkastoo muuqaallada noocan ah loo adeegsado in lagu baahiyo ciyaaraha kumbuyuutarka iyo telefoonnada laga ciyaaro, ninkan oo lagu magacaabo Asian Andy ayaa la yimid fikrad kale oo uu muuqaalladan lacag uga sameyn karo.

Noocan ciyaarta ah way fududdahay; isagu wuu seexday, dadkana waxaa fursad loo siiyay in ay hurdada ka kiciyaan, qof walba oo isku daygaas sameynayana waa in uu kusoo galo lacag cayiman.

Horay waa loo sameeyay arrimo noocan ah laakiin Andy wuxuu sameeyay qaab uu lacag ugu helayo barnaamijkan.

Daawadeyaashu waxay isla boggiisa ka iibsanayaan shanqaro, sida muusig cod dheer, dhawaaqa eeyaha, ama qoraal kor loogu aqrinayo cod sare. Dhammaan shanqarahaas waxaa loo adeegsanayaa si isaga loogu kiciyo inta uu hurdayo.

Ninkan 26 jirka ah, oo Youtube ku leh in ka badan hal milyan oo subscribers ah ayaa sheegay in muddo toddobo saacadood ah ku shaqeystay $16,000 oo doolar.

Muuqaal uu arrintan ku sharraxayay oo uu soo duubay ayuu Andy kusoo daray waqtigii ay wada qaateen isaga iyo taageerayaashiisa.

Waxaa la arkayaa isagoo marar badan la kiciyay toddobadaas saacadood gudahood, isagoo hurdada looga carqaladeynayay shanqaro kala duwan, muusik iyo hadallo kaftan ah oo qeylo ah.

Dhammaadka muuqaalka ayuu kusoo bandhigay sida uu ula fajacay lacagta badan ee ay taageerayaashiisa ku bixiyeen si ay hurdada uga qasaan.

‘Waawareey, waad mahadsan tihiin’, ayuu ku yidhi dadka ku taxan Channel-kiisa Youtube -ka, waxaana la arkayay isagoo dabaaldeg awgiis jeex jeexaya funaanaddii uu xirnaa.

Andy wuxuu sheegay in lacagtii ugu badneyd ee muuqaal hurdo ah lagu soo xareeyo ay ahayd $6,000 oo doolar, laakiin hadda uu dhigay taariikh cusub.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *