In qol qabow la seexdo waxay leedahay faa’iidooyinkan

Waxaa laga yaabaa in aadan garaneynin faa’iidooyinka ku jira inaad habeenkii seexato qol qabow.

Laakiin xusuusnow waxaa jira arrimo badan oo u qalma inaad ogaato.

Haddaba seynisku siduu ku sharraxay sababta ay kuugu fiican tahay inaad qol qabow ku hoyato.

Qabowga ilaa heerkee wanaagsan?

Daraasado ayaa muujiyay in seexashada meel uu heer kulkeeda hooseeyo oo uu gaarayo ilaa 62 degrees ay faa’iido u tahay hurdadaada.

Marka aad jiifto maskaxdaada ayaa maamusha heer kulka jirkaaga waxayna geysaa heer hoose.

Haddii uu qabow daran ama kuleyl daran jiro habeenkii, jirkaaga wuxuu ku dadaalaa sidii uu heer kulka ugu ilaalin lahaa cabirka loogu talogalay.

Sidaas darteed, hoos u dhac yar oo qabow ah wuuxuu kuu macaaneyn karaa hurdada halka mid aad u badanna uu kaa hor istaagi karo seexashada.

Afarta arrimood ee soo socota samee si ay hurdadaada u wacnaato.

1- Qolka mugdi hakuu ahaado

Daahyo xajmi leh ku xiro daaqadaha qolka jiifka, nalalka oo dhanna iska dami marka aad seexaneyso.

Mugdiga wuxuu dhiirrigaliyaa hurdada, wuxuuna u yeelaa raaxo.

2- Shanqarta ka ilaali qolkaaga

Iska dami telefoonkaaga iyo wax walba oo sameyn kara shanqar aan loo baahneyn.

Dadka qaar ayaase shanqaro gaar ah u baahan si ay u seexdaan.

3- Heer kulka qolkaaga ku ilaali meel sax ah

Yuusan noqonin kuleyl daran iyo qabow aad ah toona.

Xasuusnow in khubaradu ay ku taliyeen 62 decrees.

4- Xiro sharabaaddo ama sigisaan

Lugahaaga haddii ay qabow yihiin hurdo kaama imaaneyso.

Xitaa marka aad seexaneyso qolka qaboowga ah ha iloobin inaad sigisaan xirato si ay lugahaaga diirranaan u helaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *