Habeenka 15-ka bisha Shacbaan arrintan samee (waa caawa)

Bisha Shacbaan caawa waxay ku beegan tahay 15, qof walba oo muslim ahna waxaa caawa oo kale u fiican inuu taladan qaato.

Sida kusoo aroortay axaadiista nabigeenna NNKH, waxaa la ammaanay in habeenka 15-ka bisha Shacbaan la aqristo afar Yaasiin iyadoo laga hor marinayo afar duco oo kala duwan.

Aqrinta 1-aad

Inta aadan billaabin yaasiinka koowaad ducadan ka hor mari.

“Ilaahayoow waxaan ku weydiistay risqi xalaal ah, oo waasac ah. Ilaahoow iiga deeqtoon oo iga kaafi gacan bani’aadan”.

Markaas aqri yaasiinka koowaad.

Aqrinta 2-aad

Inta aadan billaabin yaasiinka labaad ducadan ka hor mari.

“Ilaahayoow balaayo oo dhan ayaan kaa nabad galay, Ilaahoow balaayo iga kor yeel. Ilaahoow cudur, dhibaato jinni, dhibaato insi iyo musiibo oo dhan iga kor yeel”.

Markaas aqri yaasiinka labaad.

Aqrinta 3-aad

Inta aadan billaabin yaasiinka saddexaad ducadan ka hor mari.

“Ilaahayoow cimri dheer oo caafimaad leh, oo barakeysan isii”.

Markaas aqri yaasiinka saddexaad.

Aqrinta 4-aad

Inta aadan billaabin yaasiinka afaraad ducadan ka hor mari.

“Ilaahayoow khaatimada ii suubi”.

Markaas aqri yaasiinka afaraad.

Waxaan rajeyneynaa inuu Alle naga aqbalo ducooyinkaas. Sidoo kale Alle nabad ha nagu gaarsiiyo bisha barakeysan ee Ramadaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *