Guryo lagu iibinayo $1 oo kaliya

Maamulka magaalo ku taalla dalka Talyaaniga ayaa guryo badan ku xaraashaya lacag aad u yar oo dhan midkiiba €1 oo u dhiganta 1.2 doolar.

Ilaa 900 oo guri oo ay dadkii lahaa isaga tageen ayaa la iibinayaa si loo helo dad cusub oo soo daga.
Kala bar ka mid ah guryaha la suuq geeyay ayaa burbursan, taasoo ah sababta raqiiska loo gadayo. Hase ahaatee inta kale oo si fiican u dhisan ayaa lagu iibinayaa midkiiba €4,000 oo lacagta euro ah.
Warka layaabka leh ee ku saabsan guryahan ku dhawaad bolaashka lagu bixinayo waxaa markii ugu horreysay soo tabiyay telefishinka CNN kaddina wuxuu qabsaday hadal heynta warbaahinta kale ee caalamka.
Duqa magaalada, Antonio Camarda, oo arrintan ka hadlayay ayaa yidhi: “Waxaan dooneynaa inaan badbaadinno dhul baaxad leh oo taariikhi ah, xusuus badanna ay ku jirto.
Muddo dheer gudaheed dad badan ayaa ka tagay halkaas waxayna dayaceen guryahooda oo markii horeba qadiimi ahaa.”
Wuxuu sheegay in dadkii guryahaas lahaa ay u guureen dalalka kale ee qaaradda Yurub, waligoodna aysan dib dambe usoo laabanin.
Guryaha aadka raqiiska u ah waxaa ku noolaan jiray dad beeraleey ah oo kasoo jeeday qoysas dan yar ah halka guryaha kuwaas ka qaalisan ay dagganaan jireen dad dabaqadda dhexe ah.
In badan oo ka mid ah waxaa la sheegay in ay u guureen Australia iyo Koonfurta Mareykanka si ay uga helaan dhul cagaaran.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *