Faa’iidooyinka u gaarka ah dadka barkin la’aanta seexda

Dadka intooda badan ma jecla inay seexdaan barkin la’aan, laakiin ma ogtahay inay faa’iidooyin badan leedahay inaad barkinta iska dhaafto?

Ma aha oo kaliya in dhabar xanuunka uu kaa yaraanayo marka aad barkinta iska deyso balse waxaad sidoo kale soo kaceysaa adigoo aan dareemeynin wax caajis ah.

Waxaa la isticmaalaa dawooyin badan oo maqaarka ka dhiga mid jilicsan oo dhalaalaya, laakiin inta badan ma jiro qof ku fikira in qaabka seexashada ay saameyn ku yeelan karto quruxda jirkeenna.

Haddaba waxaa jira waxyaabo laga faa’iido barkin la’aanta.

1- Waxaa yaraan kara laalaabka maqaarka wajiga

Hurdo la’aanta oo kaliya sabab uma noqoto in qofka uu ka muuqdo gaboow. Sida lagu ogaaday cilmi baaris, barkinta xitaa waxay keentaa duqnimo ka muuqata jirka, gaar ahaan wajiga.

Inta badan barkimaha waxay ka sameysan yihiin suuf, inkastoo laga yaabo inaad istareex ku dareentana suufkaas waxaa ku jira maadooyin ay isdiidayaan maqaarkaaga sidaasna ku horseedaya inuu jajabo oo laalaabmo.

Qofka barkinta ku seexda maqaarkiisa wuu qalalaa, sidaas darteedna wuxuu yeeshaa diillimo. Markii ay sii socoto waxaa aad usii muuqda diillimaha maqaarka oo qofka ka dhigaya mid da’ ah.

2- Maqaarkaaga wuxuu noqonayaa mid aan xanaf lahayn

Qasaaraha ay leedahay in barkin lagu seexdo | Image Credit Brightside
Qasaaraha ay leedahay in barkin lagu seexdo | Image Credit Brightside

Dadka barkin la’aanta caadeysta waxay ka maqaar nadiifsan yihiin kuwa barkinta joogtada ugu seexda.

Jirkaagu wuxuu u baahan yahay inuu biyo helo si uu caafimaad buuxa u helo, maqaarkaaguna waa sidaasoo kale.

Suufka wuxuu maqaarka ka dhuuqaa biyaha iyo saliidda dabiiciga ah.

3- Si deg deg ah ayuu maqaarkaaga u soo kabsanayaa

Marka uu qofku hurdayo jirkiisa oo dhan ayaa soo kabasho sameynaya. Barkin la’aantuna waxay dadajisaa in maqaarkaagu uu durbadiiba caafimaadkiisa soo laabto markii uu maalintii arko qorrax iyo dabeyl waxyeello wata.

Haddii aad barkinta iska dhaafto quruxdaadu waxay yeelaneysaa cimri dheer.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *