Faa’iidooyinka shaaha bigeyska ah: Mar dambe ma cabi doontid caddeys

Shaaha bigeyska ah, run ahaantii, midabkiisu ma aha madow sida ay dad badan aaminsan yihiin. Dalka Shiinaha waxaa looga yaqaannaa “Shaah Cas”. 

In bigeyska la cabo maalin kasta waxaa ku jira faa’iidooyin faro badan. 

Dadka qaar xitaa waxay galiyaan baddalka qaxwada markii la eego sida looga helo firfircoonida. 

Hase yeeshee kama marna xoogaa faa’iido darro ah haddii uu qofku iska badiyo ama koobab xad dhaaf ah uu ka cabo maalin kasta. 

Halkan waxaan idiinku soo gudbineynaa faa’iidooyin caafimaad oo uu leeyahay bigeyska, kuwaasoo lagu ogaaday daraasado la sameeyay.

1- Wuxuu yareyn karaa dhiig karka

Waxaa qiyaas lagu sheegay in 26% ka mid ah dadka caalamka ku nool uu cadaadiska dhiiggooda sarreeyo, taasoo horseedi karta inuu ku dhaco xanuunka dhiig karka oo khatar galinaya noloshooda. 

Daraasado la sameeyay ayaa muujiyay in cabista shaaha bigeyska ah ay si joogto ah u dhimi karto cadaadiska xad-dhaafka ah ee dhiigga, inkastoo saameyntiisa ay aad u yaraan karto.

2- Bigeyska wuxuu wax ka qaban karaa kolestarool-ka

Halkii qof ee ka mid ah saddex ruux oo kasta oo qaan gaar ah waxa uu qabaa kolestarool. Laakiin ragga ayaa halista ugu badan ugu jira marka la barbar dhigo dumarka. 

Cilmibaareyaasha ayaa ogaaday in haddii aad caadeysato shaaha bigeyska ah uu kaa caawin karo inuu dhimo heerka kolestarool-ka, walibana uu saameyn weyn leeyahay.

3- Wuxuu la dagaallami karaa suuska ilakaha

Shaaha, si guud, wuxuu u leeyahay faa’iidooyin caafimaad oo badan. Shaaha bigeyska ahna, si gaar ah, waxaa la ogaaday in uu qofka ka difaaco bakteeriyada sababta suunka gala ilkaha.

4- Bigeyska wuxuu ka hortagi karaa sokorowga

Ku dhawaad 422 milyan oo ka mid ah dadka ku nool caalamka ayaa la xanuunsan cudurka loo yaqaanno sokorowga ama macaanka. 

Noociisa Type 2 ayey qabaan qiyaastii 90-95% ka mid ah dadkaas.

Hase yeeshee waxaa la ogaaday in cabista shaaha bigeyska ah ay yareyn karto sokorta gali karta dhiigga, ayna si joogto ah hoos ugu dhigto fursadda uu qofka ugu dhici karo cudurka sokorowga.

Haddaba waxaa jira khasaare kooban oo uu leeyahay shaaha bigeyska ah, maadaama la yidhi faa’iido kasta nusqaanteeda ayey leedahay. 

Labo khasaare oo laga dhaxli karo ayaa kala ah: 

  • Madax xanuun

Haddii aad si xad dhaaf ah u cabto shaah bigeys ah maalin walba waxay leedahay dhibaatooyin uu ka mid yahay madax xanuun, gaar ahaa nooca loo yaqaanno goonjabka iyo neerfo xanuun.

Xanuunnadaas waxaa sababa maadada kafiinta ee ku jirta caleenta shaaha.

  • Walwal iyo hurdo yaraan

Inkastoo uu bigeysta kuu kordhinayo tamarta, haddana markii aad iska badiso waxa uu kuu horseedi karaa walwal badan. Sidoo kale waxaa suuragal ah in aad heli weyso hurdo kugu filan. 

Waxaaba laga yaabaa in ay hurdo ku qaban weyso ilaa aad wax badan raadiso.

Ma jeceshahay cabista Shaaha? Bigeys iyo Caddeys midkeed sii jeceshahay? Ma waxaad jeceshahay in aad kuleylka ku cabtid mise inaad baraf ka dhigtid? 

Noogu sheeg qeybta comments-ka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *