Faa’iidooyin ay ka mid tahay dhallinyaranimo oo laga helo Babaayga

Qarniyo badan ka hor ilaa hadda, seynisyahannada caafimaadka waxay isku raacsan yihiin in Babaayga uu yahay geed mucjiso ah oo faa’iidooyin cajiib ah laga helo. 

Hadalkooda waad rumeysaneysaa marka aad ogaato xaqiiqooyinkan ku saabsan waxyaabaha laga faa’iido geedkan khudaarta ah ee aan wada garaneyno.

1- Wuxuu ka hor tagaa wadne xanuunka

Haddii uu qofka si joogto ah u cuno Babaay waxaa hoos u dhaca kororka unugyada jirka ee loo yaqaanno cholesterol-ka, kuwaasoo marka ay dhiigga dhexdiisa ku bataan sababa wadne xanuun.

Wuxuu babaayga leeyahay maaddada loo yaqaanno “fibre” ama xuub dhireedka ee khudaarta qaarkeed laga helo, taasoo wax badan ka tarta yareynta cholesterol-ka.

Waxaa taas u sii dheer inay ku jiraan fitamiinno iyo waxyaabo akle oo jirta ka bixiya sunta cuntada.

2- Wuxuu la dagaallamaa gooryaanka

Gooryaannada iyo waxyaabaha kale ee la mid ah waxyeello ayay u geysan karaan jirka gudihiisa, muuqaalka korena way ka muuqataa qofka.

Laakiin Babaayga ayaa jirka ka sifeeya gooryaanka nool, sidoo kalena wuxuu burburiyaa ukumihiisa.

Iniinta madow ee Babaayga ayaa iyadana leh faa’iido weyn.

3- Maqaarka ayuu nadiifiyaa

Sida cilmi baaris badan lagu ogaaday, Bayaayga wuxuu leeyahay tayo nafaqo ah oo jirka iyo maqaarka ka ilaalisa inay huraan.

Wuxuu dib usoo dhisaa unugyada jirka ee daciiga marka ay la dagaallamaan fayrasyada jirka soo gala. Dusha sarena maqaarka wuxuu ka noqdaa mid dhalaalaya oo caafimaadsan.

4- Wuxuu sare u qaadaa awoodda difaaca jirka

Babaayga wuxuu leeyahay xaddi badan oo ah vitamin A, vitamin C iyo vitamin E, kuwaasoo ka qeyb qaata xoojinta difaaca jirta bani’aadanka.

Dhakhaatiirtu waxay ku taliyaan in cunista Babaayga si gaar ah loo badsado marka uu qofka la xanuunsan yahay cudurrada ka dhasha bakteeriyada iyo harka.

5- Wuxuu dib u dhigaa hannaanka gabowga

Nafaqooyin badan oo aan xusnay oo uu leeyahay Babaayga ayaa daahiya in qofka ay jir ahaan uga muuqato da’da, sida Vitamin A, C iyo nafaqada jirka ka bixisa sunta.

Marka ay is biirsadaan waxay jirka ka difaacaan waxyeellada qorraxda iyo in uu maqaarka kaduuto.

6- Wuxuu saxaa hannaanka cadaadiska dhiigga

Dadka qaba xanuunka dhiig karka, gaar ahaan kuwa inta badan uu cadaadiska dhiiggooda sare u kaco waxaa u wanaagsan Babaayga.

Sidoo kale qof walba ayuu ka caawin karaa in hannaaka cadaadiska dhiigga ka dhigo mid waddadii loo baahnaa ku socda.

Taas waxaa sabab u ah maaddo la yiraahdo carpaine oo ku jirta Babaayga.

7- Wuxuu yareeyaa walwalka

Vitamin C-ga ku jira Babaayga wuxuu ka qeyb qaataa dajinta maskaxda iyo yareynta walwalka.

Hormoonnada kacsan ee madaxa ayuu dajiyaa isagoo siinaya nasiino habboon.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *