Erdogan: Xal baan u helnay baahidii aan hubka dibadda uga soo iibsan jirnay

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiistii shaaciyay in waddankiisa uu sameystay warshad weyn oo uu uga maarmi karo hubkii dibadda looga soo dhoofin jiray.

Warshadda cusub ayaa sameyn doonta bambooyinka, rasaasta, gantaallada, gumacyada iyo lidka diyaaradaha.

Erdogan oo ka hadlayay munaasabad uu ku daah furay warshadda cusub oo lagu magacaabo Barustan oo laga dhisay magaalada caasimadda ah ee Ankara.

Dhaqaalaha iyo farsamada ku baxday dhismaha warshaddan ayaa dhammaantood ahaa kuwo gudaha Turkiga ka yimid, sida uu sheegay Recep Tayyip Erdogan.

Turkiga oo hadda ku biiraya liis ay ku jiraan dalal khaas ah oo awooddaas leh ayay u suuragaleysaa inuu si iskiis ah u sameyso qalabka qaraxyada sameeya ee loo yaqaanno RDX, HMX iyo CMX.

“Dhacdooyinkii muddooyinkii dambe aan la kulannay iyo cunaqabateynta hubka ee cadaadiska nalagu saaray awgeed waxaan ku khasbanaanay inaan sameysanno warshad aan annagu leenahay oo soo saarta qalabka uu u baahan yahay waddankeenna,” ayuu yidhi Erdogan.

Dalkan oo tallaabada uu qaaday awgeed si toos ah uga mid noqonaya safka waddamada waaweyn ee wax soo saarka hubka ku hor maray ayaa waxa uu ka baaqsan doonaa soo iibsashadii budada laga sameeyo hubka waaweyn, taasoo gudaha lagu farsameyn doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *