Cabitaan joogto loo cabo oo sababa nooc ka mid ah kansarka

Kansarka ku dhaca mindhicirrada ayaa muddooyinkii dambe sii kordhaya, waxaana dadka uu soo rito ugu badan haweenka.

Dasaaead cusub oo la sameynayay ayay cilmi baareyaal ku doonayeen inay ku ogaadaan macluumaad dheeri ah oo ku saabsan kansarka mindhicirrada  iyo waxyaabaha sababta u ah inuu soo bato.

Sanadihii lasoo dhaafay dhakhaatiirtu waxay arkayeen in xanuunkan uu xoogeystay, uuna u badan yahay dadka ay da’doodu ka hooseyso 50 sano.

Laakiin cilmi baaris cusub oo ay hoggaamineysay Jaamacadda Washington ayaa lagu ogaaday waxa sababa.

Khubarada ayaa fahmay in uu jiro xiriir guud oo ka dhaxeeya cabitaannada sokorta badan iyo kansarka noocaas ah oo si gaar ah ugu badan haweenka aan 50-ka sano gaarin.

Cabitaannada loo yaqaanno “soda” ayaa lagu tilmaamay kuwa sida tooska ah u sababi kara cudurkan dilaaga ah.

Waxay cilmi baareyaashu sheegeenin waxyeellada cabitaannadan ay soo billaabato marki uu qofku ku jiro da’da u dhaxeysa 13 ilaa 18 sano, marba marka ka dambeysana ay khatartu sii weynaato.

Horay aad bay u yaraan jirtay tirada dadka waaweyn ee uu ku dhaco kansarka mindhicirrada, laakiin 30-kii sano ee ugu dambeeyay ayay khubarada caafimaadku sheegeen inuu aad u kordhayay.

Sokorta ayaa horay loola xiriiriyayay cudurro kale oo halis ah, oo ay ku jiraan labada nooc ee xanuunka sokorowga ama macaanka. Waxaa lasii ogaa in sokorta badan ay horseeddo cayilka, sidoo kalena ay yareyso ama joojiso dheef shiidka caloosha qofka.

Muddo dheer ayay seynisyahannadu ku howlanaayeen inay wax badan ka ogaadaan kobaca kansarka mindhicirrada, kaasoo markii hore aan wax fikrad ah laga heysanin.

Daraasaddan oo 6-dii bishii May ee lasoo dhaafay lagu daabacay wargeyska Gut ayaa la rajeynayaa inay dad badan ku dhiirrigeliso joojinta ama yareynta cabitaannada lagu badiyo sokorta, gaar ahaan kuwa ay warshadda soo sokoreyso.

Talada dhakhaatiirta waa in qofku uu ka war qabo xaddiga sokorta uu isticmaalayo isbuuciiba, taasoo ka caawineysa inuu ka tacaddaro caafimaadkiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *