Atariishada filimkii Game Of Thrones maxaa wajigeeda muran loo galiyay?

Ma jiro qof raalli ka ah in loo sheego inuu sameeyo wax uusan dooneynin, sida Emilia Clarke.

Xiddigtan atariishada ka ahayd musalsalkii laga daba dhacay ee Game Of Thrones ayaa wareysi ay dhawaan siisay Warbaahinta Elle U.K. uga hadashay arrin ku saabsan wajigeeda.

Emilia ayaa shaaca ka qaadday sheeko dhex martay iyada iyo haweeney khabiir ku ah qalliinnada wajiga oo gurigeeda ugu tagtay si ay ugu sheegto in ay u baahan tahay qalliin looga baabi’iyo kaduudka wajigeeda soo galay ee muujinaya da’deeda.

Arrintani waxay dhacday markii ay atariishada jirtay 28 sano, haddana waa 34 jir.

“Waxaan tusay albaabka gurigeyga looga baxo,” ayey tidhi. “Waxaan si toos ah ugu idhi, ‘Iga bax.'”

Haweeneyda ayaa atariishadan caanka ah u sheegtay in ay wajigeeda dib u heli karto haddii loo sameeyo qalliinka unugyada maqaarka wajiga lagu beero, kuwaasoo ka baabi’in lahaa laalaabka ka muuqda.

Dad badan ayaa adeeggaas loo sameeyaa kaddib markii ay ceeb u arkaan isbaddalka ay da’da ku sameyso wajigooda ama ay waxyeello kasoo gaarto daawooyin ay marsadeen.

Hase yeeshee Clarke ayaa ku gacan seyrtay taladaas, iyadoo sheegtay in hadda aysan diyaar u ahayn inay wajigeeda qalliin ku sameyso, inkastoo laga yaabo in ay mar kale u baahan doonto.

“Waligey qalliin noocaas ah la iguma sameynin, mana doonayo waqti xaadirkan, taasina micnaheeda ma aha in aanan mar dambe u baahan doonin. Waa laga yaabaa inuu fikirkeyga isbaddalo laakiin hadda ma jecleysanin shaqadan uu qof walba ku degdego in loo fuliyo,” ayey tidhi Emilia.

Xiddigtan ayey dhowr jeer hadal-heyn ka dhalatay wajigeeda, iyadoo waayadii dambe iska joojisay isticmaalka makeup-ka gabi ahaanba.

Waxay sheegtay in ay siyaabo kale u daryeesho maqaarkeeda laakiin ay ku qanacsan tahay in aysan wax makeup ah marsanin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *