Asalka Soomaalidu ma faraaciinbaa? (Dadkii fircoon uu kasoo jeeday)

Inta aynaan guda galin qormadeena waxaan xasuusinayaa akhristaha; in qoraalkani uu yahay fikir shakhsiyadeed balse ku salaysan qiimaynta fikirada iyo waxyaabaha kala duwan ee laga qoray halka ay kasoo jeedaan soomaalidu.

marka aan ka hadleynno asal waa isirku halka uu galo afka qalaad waxaa lagu yiraah “Race” balse afka soomaaliga eray aan ku fasiro ma arkin saas darteed erayga asal markaan adeegsanaynno kama wadno asalka fog ee aadmiga, waxaan ka hadleynaa asalka isirka.

waxaan mid mid u dul istaageynaa aragtiyada kala duwan ee dadyowga kala duwan ay ka bixiyeen amaba aad arkayso dadyow kala duwan o ku doodaya fikiradan aan isku midka ahayn.
waxaan ku qiimaynaynaa waxa aan ognahay ama arki karno hadda kadibna isbarbar dhig ayaan ku sameynanaa aragtiyadan. xasuusnow taasi waxay meesha keeni kartaa suurta galnimada in dhamaan aanay sax ahayn, micnaha fikir waliba qayb wuu ka saxnaan karaa balse wada sax ma aha.
 
Soomaalidu iska dhal maha aha  ee waa asal

Hadii aan ku bilowno fikirka ah in soomaalidu ay yihiin hal fir ama dad asal ahaan kasoo wada jeeda hal meel; waxaad moodda inusan adkayn fikirkaasi waayo waxaa cad oo banaanka yaal cadaymo muujinaya in aanay taasi sax ahayn.Waxay ka hor imaanaysaa xaqiiqda ah in ay jiraan dad somaali ah ama sheegta balse asalkoodu muran ku jirin sida beesha jareer weyne oo kale. taasi waxay ku qasbaysaa qofka fikirkan qaba inuu qaybiyo qabiilada soomaalida oo uu sheego kuwa isku midka ah ama halka asal leh.

Somaalidu waa dad iska dhal ah

Fikirka ah in ay soomaalidu iska dhal yihiin oo dad afrikaan ah iyo dad kale ay iska dhaleen: waa mid sax ah isla markaana qalad ah. hadii aan eegno waxa sax uu ku yahay waa xaqiiqda ah in soomaalidu ay guursadeen dad aan la asal ahayn ayaga sida carabta iyo afrikaanka kale haba yaraatee saas darteed hadii uu qof ku doodo in soomaalidu ay tahay dad iska dhal ah waxaa qofkaas ka qarsan in soomaalidu ay asalka tahay oo aanay ka beermin dad kala duwan oo is guursaday.

dadka iska dhalka ah ama afka qalaad loo yaqaan “mixed race” waxaa tusaale u ah dadka koonfurta afrika laga helo ee loo yaqaan “Coloureds” soomaaliduna a kalarka dhahdo iyo sidoo kale dadka suwaaxilka ah ee xeebaha bariga afrika laga helo oo xataa soomaaliya ay ku jirto. Hadaba hadii aan dadkan eegno waxaa muuqda in ay ka muuqato in ay yihiin isku dar ama dad laba isir iska dhaleen, Tusaale badanaa waxay leeyihiin tilmaamaha afrikaanka ama isirada afrikaanka sida baantuu iyo kuwa kale.
Waxaa kaloy leeyihiin tilmaamihii cadaanka ama hindida kolba cida kale ee ka dhashay afrikaanka.
waxaad arkaysaa qofka oo leh timihii, sankii, bishimihii iyo indhihii afrikaanka balse sidoo kale leh midabkii iyo itaalkii reer yurub taasi waxay ka dhigan tahay hadii qofku uu yahay iska dhal in ay ka muuqdaan calaamada muujinaya iska dhalnimadiisa.
halka dadka soomaalida calaamadaha aas aasiga ah oo kale ay yihiin kuwa aan lala wadaagin oo gaar u ah sida timaha, qaab dhismeedka jirka guud, midabka oo maariin ah iyo dhaqanka oo carab acadaan iyo afrikaanba ka duwan, saas darted soomaalida asalkoodu ma noqon karo dad iska dhal.

soomaalidu isku meel ayey kasoo wada jeedaan

Hadii aan diidnay in soomaalidu ay hal asal leeyihiin ama iska dhal ay yihiin aan eegno in ay hal asal leeyihiin ama hal meel kasoo wada jeedaan inaga oo eegaynna dhamaan qabiilda soomaaliyeed ama soomaalida loo yaqaan.
kasokow qabiilada la ogyahay in aanay la fir ahayn soomaalida sida dadka cadcad ee xeebaha soomaaliya daga iyo soomaali baantuuda waxaa jira qabiilla waawayn oo soomaali ah oo abtirkoodu uu galo dad aan soomaali ahayn sida carabta oo kale saas darteed marka aan asalka soomaalida ka hadleynno waxaan meesha ka saaraynaa qabiilada la yaqaan asalkooda iyo kuwa sheegta dad kale ama ku abtirsada waayo hadii aadan haynin cadayn muujinaysa in aanay kasoo jeedin halka ay sheeganayaan; xaq uma lihid inaad ku dooddo halkaas kamasoo jeedaan saa darteed soomaalidu hal asal ma laha.

somaalidu meela kala duwan ayey kasoo kala jeedaan balse Dhulka geedi ayey ku yimaadeen

fikirkani aad uma liito balse sixitaan ayuu u baahan yahay waana kan midka aan si qoto dheer u fiirin karno.Aynu kala qaadno meelaha kala duwan ee ay kasoo jeedaan iyo iyo dhulka.

Hadii ay jiraan qabiila soomaaliyeed oo taariikhda dhow ay miijinayso in ay ka beermeen hal nin oo shakhsi ahaantiisa taariikhdiisa la yaqaan ninkaas uu guursaday haweenay soomaali ah. Hadii ay jiraan qabiilla soomaaliyeed oo ay isku abtir yihiin qabiillo kale oo carbeed oo labaduba ay ku doodayaan inay isla dhasheen, waxay kuu cadaynaysaa in soomaalidu aanay hal meel kasoo jeedin balse dadka soomaalida loo yaqaan maanta ay siyaabo kala duwan ku soomaaliyoobeen.

Hadii aan sheegnay in aanay soomaalidu isku mid ahayn isku taariikhna ahayn isku abtirna ahayn; ma jiraan qabiilla soomaaliyeed oo taariikhdu cadaynin inay kasoo jeedeen carab ama afrikaan iwm.. ?

qabiiladani ma yihiin kuwa aan ayagu sheeganin ama ku abtirsan cid kale oo la yaqaan sida carab ama baantuu iwm?

qabiiladani maka duwan yihiin afrikaanka kale iyo carabta midab ahaan dhaqan ahaan tilmaan ahaan iyo si walba?

hadaba hadii uu jiro qabiil ama qabaail soomaaliyeed kuwan ayaan ku qiimaynaynaa waayo waxaan leenahay hadii cid waliba ay meel dabada la gashay kuwan ayaa asal ah ee xagay kasoo jeedaan?
Jawaabtu waa ‘haa’ waxaana jira qabiilla soomaaliyeed oo aan sheegan cid kale ku abtirsan, u ekayn, la dhaqan ahayn, asalkooda ugu fog ee la yaqaanana dagi jiray geeska afrika saas darteed dadkaas ayaan kaga hadleynaa halka ay  kasoo jeedaan qormada tan ka dambeysa hadii eebbe idmo.

2 thoughts on “Asalka Soomaalidu ma faraaciinbaa? (Dadkii fircoon uu kasoo jeeday)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *