Asalka Soomaalidu ma faraaciinbaa? (Dadkii fircoon uu kasoo jeeday) Q 2aad

Waxaan qaybtii hore ee qormadan kusoo qeexnay ‘soomaali‘ ama waxa aan ula jeedno ‘dadka soomaalida’ taasoo aynu kusoo koobnay dadka aan ku abtirsan carab ama afrikaan iwm.Halkan ka akhriso qaybtii 1aad

Waxyaabaha aanay muranku ka taagnayn ayaan ku bilaabaynaa waxaana ugu horeeya in ay soomaalidu yihiin dad kushitik ah “Cushitic” oo loola jeedo inay kasoo jeedaan wiilka uu awowga labaad u ahaa nabi nuux ee la oran jiray Kush.

Kush waxaa dhalay Xaam oo uu dhalay nabi nuux. Kush waxaa ku abtirsada ama ka farcamay dad badan oo soomaalidu kamid tahay.

Qabiilada kale ee kasoo jeeda waxaa kamid ah kuwan hoos ku xusan.

Beja[72] Iraqw[73][74] Oromo[75] Somali[76] Awŋi[77] Kemantney

Dadkan kor ku xusan iyo kuwa kale waxay wadaagaan hal qoys looqadeed ama language family waxaana luuqaddooda laga helaa woqooyiga afrika, geeska iyo bariga afrika iyo sidoo kale bariga dhexe.

hadaba yaanan waxba akhristaha ku wareerin dadyowga kale iyo luuqadaha kale’e soomaalidu dadkaas ayey kamid yihiin halkaasna waxaan ku dhaafaynaa asalka isirka soomaaliga balse aynu usoo laabanno juquraafi ahaan soomaalidu miyey yimaadeen geeska afrika oo ah halka hadda laga helo mise waa meeshii ugu horeysay ee ay ka farcameen ama ku beermeen?

Marka la doonayo in la ogaado taariikhda fog ee aan qornayn ee dad; laba shay ayaa gun dhig u ah baaristaas:

  1. Luuqadda iyo aathaarta ama astaamaha ay dadku kaga tagaan dhulka sida sawirada iyo sumadaha laga helo dhagaxyada qadiimiga ah.
  2. Hida sidaha DNA ama tijaabada laga qaado dheecaanka dadka kaasoo dib loogu raaci karo masalka dadka iyo sidoo kale cida aad isku meel kasoo jeedaan.

Hadaan ku hor marno kan kowaad, ee luuqadda iyo astaamaha dhulka looga tago; waxay muujinayaan in soomaalidu ay ka baxsan yihiin geeska afrika Tusaale erayo ku qoran arhaamta dalka masar oo ay kaga tageen faraaciintii waxay muujinayaan in ay soomaali yihiin qaar kamid ah erayadaas waxay soomaalidu la wadaagaan dadka dhulkaas dagi jiray ee masaarida ah halka qaar kale ay soomaali uun micno ku leeyihiin ee dadkaasi aanay adeegsan.

halkan ka fiiri erayada masaarida iyo soomaalidu wadaagaan.

waxaa kale oo xusid mudan in dhulka soomaalidu dagto loo aqoon jiray guumaystihii kahor magaca Medjay. Medjay ama Madjay waa magac taariikhda lagu helay in loo yaqiinay qaar kamid ah dadkii noolaa xiligii boqortooyooyinkii faraaciinta.

Medjay waxaa lagu tilmaamaa dhowr siyaabood waxaana kamid aha inay ahaayeen ciidan gaar ah ama waxa hadda loo yaqaan “Special forces” sida gorgor iyo danab oo kale shaqadooduna waxaa ugu weynaa oo lagu aqoonsadaa inay ahaayeen dad khaarijiya qofkii loo diro waxay mararka qaar u shaqayn jireen sida booliska waxayna ahaayeen dad geesiyaal ah oo laga cabsado. Medjay waxay u shaqayn jireen fircoon ama boqortooyadii faraaciinta.

waxaa xusid mudan in dhulka masar iyo sudan ay mar xukumi jireen boqortooyadii Kush inkastoo badanaa labadan boqortooyo ay iska garab dhisnaayeen hadana waxaa jiray mar ay dhulka kala qabsan jireen, waxaa kaloo xusid mudan arhaamta ugu badan inay ku yaalaan sudan oo ay kaga badanyihiin marka la eego masar oo caan ku ah arhaamta, Taasi waxay ka dhigan tahay in faraaciinta marka laga hadlayo aanay ku koobnayn (1) dhulka masar iyo (2) Dadka masaarida.

Dhulka masar iyo sudan ilaa geeska afrika waxaa ku noolaan jiray dadka Kush-ka loo yaqaan oo ay soomaalidu kamid tahay sidaan horay soo xusnay, saas darteed xiriirka faraaciinta iyo somalida u dhexeeya ma aha mid si fudud lagu qeexi karo.

 

PUNT & MEDJAYQ

Qaaradda afrika guumaystihii reer yurub ka hor waxay lahayd magacyo iyo soohdimo maldahan waxaana lagu qiyaasay sidu ugu dhow inay ahayd sida hadda ka muuqato map-kan taasoo dhulka soomaalidu ay dagto maanta laba u qaybinaya.

qaybta kore ama dhanka woqooyiga waxaa loo yaqiinay Medjay sida aan horayba soo xusnay, qaybta hbartamaha iyo koonfurtana waxaa loo odhan jiray Punt magacan oo asaga in badan aad maqasheen waxaase xusid mudan magacan in bariga afrika oo dhan loo yaqiinay sida ka muuqata khariiradda magaca punt waxaa loo yaqiinay dhulaad u balaaran oo ay ka mid yihiin Kenya Tanzania iyo Mozambique.

Hadaba hadii aan soo sheegnay in magaca Medjay la oran jiray dad kamid ahaa kuwii xiligii faraaciinta dhulka somalidu dagtana qayb kamid ah lo oran jiray Medjay, xiriirka soomaalida iyo faraaciinta ama dadka reer masarna aan soo sheegnay qoto dheeridiisa suaasha soo hadhay ayaa ah: Soomaalidu ma waxay kasoo farcameen dadka Medjay la oran jiray mise dhulka soomaalida si kale ayuu magacu ugu baxay?

Weli baaritaan ayaan ku haynaa saas darteed waxaa suurta gal ah inaan suaashan kaga jawaabno qayb kale oo qormadan daba socota balse waxaa xusid mudan in Medjay aan la xaqiijin karin inay ahaayeen dad hal qoys ama qabiil ah iyo in medjay uu yahay magac loo bixin jiray dagaalyahanada faraaciinta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *