Arrin aan la fahamsaneyn oo wadne xanuun iyo cudurka sokorta sababta

Sharraxaad hor leh ayaa loo helay Wadne xanuunka soo noq noqda ee dadka qaar ay kadiska ugu dhintaan.

Daraasad cusub oo ay sameeyeen cilmi baareyaal reer Canada ah ayaa lagu ogaaday inuu jiro xiriir ka dhaxeeya shaqada waqtiga badan iyo wadne xanuunka. Sidoo kale cudurro badan oo kale ayaa ka dhasha.

Qofka shaqeeya wax ka badan 55 saacadood isbuucii ayaa aad halis ugu jira inuu ku dhaco wadne xanuun, sida shaaca looga qaaday cilmi baaristan.

Dadka saacadahaas shaqeeya ayaa labo jibaar halista wadne xanuunka uga dhow kuwa saacadahooda shaqada ee isbuucii ay yihiin 35 ilaa 40 saacadood.

Dr Alain Milot oo ah barfasoor ka tirsan jaamacadda Laval ee dalka Canada ayaa daraasaddan qormadeeda ka qeyb qaatay kaddib markii isaga laftiisa uu ku dhacay wadne xanuun.

Wuxuu sheegay in halista shaqada badan ay tahay mid lala barbar dhigi karo tan ka dhalata sigaar cabista oo qudheeda keeni karta wadne xanuunka deg degga ah.

Wuxuu dhakhtarkan khabiirka ah ku taliyay in dowladaha caalamka iyo maamullada magaalooyinka ay tallaabo u qaadaan yareynta saacadaha shaqada si loo dhimo kororka bukaadana la daalaa dhacaya xanuunnada la xiriira wadnaha iyo dhibaatooyin kaleba.

Sida laga soo xigtay xafiiska caalamiga ah ee shaqaalaha adduunka, in ka badan 30% ka mid ah dadka shaqeeya caalamka waxay isbuuc walba shaqeeyaan wax ka badan 48 saacadood.

Shaqada badan xanuunnada kale ee ka dhasha waxaa ka mid ah in dumarka gaar ahaan uu ku dhici karo cudurka macaanka ama sokorowga qeybtiisa labaad.

Waxyaabaha kale ee laga dhaxlo shaqada saacadaha badan ah waxaa ka mid ah:

* Isticmaalka xad dhaafka ah ee maandooriyaha

* Halis dhinaca maskaxda ah iyo walwal

* Xanuun dhabarka iyo qoorta ah

* Khatar weyn oo ku aaddan inuu kugu dhaco sokorowga qeybtiisa labaad

* Cimri deg deg iyo gabow ka horreeya da’daada caadiga ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *