Arrimo ku saabsan jirka dadka oo aysan ogeyn khubarada sayniska

Seynisyahannada adduunka waxay isku dayaan in ay fahmaan wax walba oo ku saabsan jirka bani’aadanka.

Laakiin waxaa jira arrimo ay ilaa hadda khubarada caafimaadka u la’ yihiin wax sharraxaad ah, dadaalna ugu jiraan inay fahmaan.

Alle SWT ayaa dadka u abuuray si cajiib ah cilmiyada qaarkoodna kaligiis ayay ku kooban yihiin.

Hadda Maanfur waxay isku soo aruurisay qaar ka mid ah waxyaabaha ay wali raadiyaan seynisyahannada ee nagu saabsan.

1- Sababta uu qof Oxygen la’aan u ahaan karo 20 daqiiqo

Sida ay qabaan seyniyahannadu, 30-180 ilbiriqsi oo uu qof ahaado oxygen la’aan waxay keeneysaa miyir beel. 3 daqiiqo kaddib waxaa xigeysa inuu dhaawac gaaro maskaxda oo 10 daqiiqo kaddibna uu qofku koomo galo.

Hase yeeshee waxaa jira tababarro dhinaca maskaxda ah oo horseedi kara in maskaxda aysan oxygen u baahnaanin waqti intaas ka dheer.

Tusaale ahaan, Budimir Bua wuxuu sameeyay taariikh aan horay dunida uga dhicin oo ah inuu biyo hoostood ku jiray 24 daqiiqo iyo 33 ilbiriiqsi. Wuxuu ka hor maray waqtigii horay taariikhda ugu yaallay Alex Segura oo ahaa 24 daqiiqo iyo 3 ilbiriqsi.

Waxa kaliya ee ay labadooduba sameeyeen ka hor inta aysan biyaha hoostooda galin waxay ahayd inay dhowr daqiiqo qaateen neef nadiif ah.

Haddaba arrintan sida ay ku dhacday cid garan karta ma jirto.

2- Inta maalmood ee uu qof noolaan karo biyo la’aan

Xeerka guud ee uu qof walba yaqaanno wuxuu sheegayaa in bani;aadanku ay biyo la’aan ahaan karaan muddo saddex maalmood ah. Hase yeeshee, taas waxay ku xiran tahay dhowr qodob, sida, jimicsiga jirka iyo caafimaadka guud.

Sidoo kale, haddii cuntadaadu ay u badan tahay raashinka ay biyaha ku jiraan, sida khudaarta, markaas ilaha aad biyaha ka hesho way badnaanayaan.

Sanadkii 1979-kii, nin lagu magacaabi jiray Andreas Mihavecz ayaa biyo la’aan noolaa muddo 18 maalmood oo xiriir ah. Waxaa lagu hayay xabsi boolis waardiyeyaashii mas’uulka ka ahaana gabi ahaanba way hilmaameen inuu halkaas ku jiray.

3- Sababta aan u hamaansanno (haam-haamsanno)

Ilaa mar aad u dhow laga soo gaaray, dad badan waxay aaminsanaayeen in haam-haamsigu uu keeno oxygen dheeraad ah oo maskaxda aada, laakiin taas waxaa la caddeeyay inuusan waxba ka jirin.

Sheeko aad loo faafiyo waxay qeexeysaa in haam-haamsigu uu imaado marka ay maskaxda bani’aadanku isu daareyso si iskeed ah. Sidoo kale waxaa hoos u dhacaya heer kulka jirkaaga haddii uu ka diirranaa sida caadiga ah.

Balse daraasaddan yar lagama tusaale qaadan karo sababtoo ah waxaa lagu eegay 120 ruux oo kaliya.

Fikir kale wuxuu qabaa in haam-haamsigu uu muhiim u yahay xiriirka dadka. Tusaale ahaan, haddii saaxiibkaa uu hamaansado adigana aad ka daba hamaansato waxay muujineysaa in dareenkiinnu uu si toos ah isugu xirnaa.

Si kastaba ha ahaatee, seynisyahannadu ilaa hadda wax sharraxaad buuxda ah uma hayaan sababta aan u haam-haamsanno.

4- Sababta aysan dadka qaar u alahyn astaanta faraha

Inta badan dadku waxay aaminsan yihiin in qof walba uu leeyahay astaamo faro (fingerprints) u gaar ah, laakiin ma ogtahay in ay jiraan dad aan lahayn calaamadahaas aqoonsiga gaarka ah leh?

Xaaladda noocan ah waxaa afka qalaad lagu yiraahdaa “Adermatoglyphia”.

Dhibaatada ugu weyn ee ay dadka arrintan qaba la kulmaan waxaa ka mid ah in ay ku adkaato sidii ay dalalka uga kala gudbi lahaayeen.

Haddaba sababta keenta in faraha calaamadahooda aysan dadka qaar lahayn waa mid aysan nagu dhaamin seynisyahannada ugu aqoonta badan.

5- Sababta loo kala qaado qosolka

Inteenna badan way nagu dhacdaa inaan iska qosolno marka uu qoslo qof agteenna jooga. Waxaa xitaa suuragal ah in aadan garaneynin waxa saxda ah ee uu qofkaas ku qoslayo. Badanaase waxay dhacdaa marka wax shactiro ah la sheego.

Fikir ayaa qaba in sababta qof kale qosolkiisa loogu qoslo ay tahay arrin xiriir la leh qaabka ay u shaqeyso maskaxda. Sheeko kale waxay qeexeysaa inuu jiro xiriir ka dhaxeeya qosolka la kala qaado iyo cilmi nafsiga.

Laakiin ma jirto sabab seynis ah oo sharraxeysa arrintaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *