Home Nolosha Afar xaaladood oo nolosha ku adag oo lagaa rabo inaad ka dooratid...

Afar xaaladood oo nolosha ku adag oo lagaa rabo inaad ka dooratid afar kale oo iyagana adag

0

Noloshu marna ma sahlana, qof walbana waxaa hor yaalla caqabado uu u baahan yahay inuu ka gudbo.

Si aad xaalad fiican ugu noolaato waa inaad waxyaabo badan xal u hesho adigoo ku wajahaya caqli, dadaal iyo dul-qaad.

Halkan waxaan tusaale ugu soo qaadanaynaa araf xaaladood oo adag iyo afar kale oo sidoo kale u adag balse aad ku khasban tahay inaad kala doorato.

1-Nolol qoys oo farxad leh ama furriin

Waa xaalad sida lagu gaaro ay adagtahay in nin iyo xaaskiisa ay ku wada noolaadaan si farxad leh.

Sidoo kale waa xaalad adag in lamaane ay kala tagaan ama is furaan.

Laakiin labadaas xaaladood ee adag waa inaad mid ka dooratid.

Sharraxaad uma baahna wanaagga ay leedahay in qoyska lamaanaha ah ay faraxsanaadaan, dhib iyo dheefna isla wadaagaan.

Waxaa kale oo aan ka wada dhargsan nahay dhibaatada uu leeyahay furriinka, maadaama uu saamaynayo labada qof, carruurtooda iyo ehelka kaleba.

2- Cayil xad dhaaf ah ama miisaan isku dheellitiran

Qof looga sheekeynayo ma jiro dhibaatada ay leedahay in uu cayilka kaa bato. Waa marxalad caafimaad darro ah muuqaal ahaanna aan qurux badnayn. Sidaas awgeed waa xaalad adag oo lagu noolaado.

Sidoo kale waxaa xaalad adag ah in uu qofku ku dadaalo sidii uu miisaankiisa isugu dheellitiri lahaa. Tusaale ahaan inuu jimicsi joogto ah sameeyo iyo inuu iska ilaaliyo cuntooyinka lagu cayilo ee aad loo xiiseeyo.

Haddaba adigu kala dooro labadaas xaaladood ee adag.

3- Gacan marnaan ama in wax la tashiilo

Waa xaalad nololeed oo aad u adag in qofku uusan dhaqaale haynin ama uu gacan maran yahay.

Taas waxaa baddalkeeda ah inaad dhaqaale haysato laakiin aadan lacagtaada si israaf ah u isticmaalin. Ma sahlana in adigoo lacag hasyta aad iska celiso waxyaabo aan muhiim ahayn oo ugu dambayn kuu horseedi kara inaad iska dhammayso waxa farahaaga ku jira.

Sidaas awgeed, labadaas xaaladood ee adag waa inaad mid ka doorato.

4- Inaad ka dhiidhisid waxa ku dhibaya ama aad u bareerto cawaaqibka aamusnaantaada

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa, ‘Waxaad qarsato way ku qarsadaan’.

Way adag tahay inaad ka dagaallanto ama ka dooddo waxa culayska kugu haya. Dad badan way ka xishoodaan arrintaas ama way ka baqaan.

Hase yeeshee haddii aad go’aansato inaad qarsato dhibka waxaa ku sugaysa inaad la noolaato cawaaqibka aamusnaantaada.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version