Firfircooni aad u badan ayaa laga helaa biyaha laga miiro liinta.
Marka aad cabto waxay durba kicinayaan dareenkaaga dhadhanka wax walba oo kalena dhandhankooda wuu kuu xoogeysanayaa.
Sidoo kale oonka ayay kaa bixinayaan, cuntadana way furaan.Marka ay dhammaan arrimahaas ka imaadaan liinta soo cajiib ma aha?
Laakiin marka laga soo tago dhadhanka waxaa kale oo jira faa’iidooyin badan oo caafimaad ahaan laga helo liinta.Kuwanina waa sagaal ka mid ah faa’iidooyinkaas.
1- Xakameynta miisaanka
Marka aad biyaha liinta oo diirran cabto adigoo ay calooshaada maran tahay waxaa kuu suuragaleysa inaad la socoto miisaankaaga, iskana dhinto.
Waxaa jira caddeymo dhinaca seyniska ah oo muujinaya in liinta ay leedahay saameyn weyn oo dhanka is caateynta ah.
2- La dagaallanka Hargabka
Khubarada caafimaadka waxay ku doodaan in biyaha liinta oo cabitaankooda la joogteeyo ay ka hor tagaan hargabka caadiga ah.
Xitaa marka uu qofku ku dhaco hargab wuxuu kula dagaallami karaa liinta, inkastoo laga yaabo inuu muddo uga baxo.
3- Ka hortagga fayrasyada
Biyaha liin bambeelmada waxaa ka buuxa maaddooyin kordhiya awoodda dheef shiidka caloosha, sidaas darteedka waxaa xoogeysta difaaca jirka oo ka hor tagaya fayrasyada la isqaadsiiyo.
4- Xasiloonida maskaxda
Daraasado badan ayaa lagu soo bandhigay in qofka sida joogtada ah u qasta biyaha liinta ay ka yaraadaan walwalka iyo islahadalka. Waxaa kale oo u kordha xusuusta.
5- Ka hor tagga kansarka naasaha
Kansarka naasaha wuxuu faro ba’an ku hayaa haweenka ay ugu badan yihiin kuwa ku nool qaaradda Afrika iyo meelo ka mid ah Aasiya.
Seynisyahannada daraaseeya xanuunkaas waxay sheegeen in biyaha liinta ay wax badan ka qabtaan ka hortagidda cudurkaas dilaaga ah.
6- Biyo cabitaanka oo bata
Faa’iidooyinka la taaban karo ee caafimaad ahaan laga helo liinta waxaa ka mid ah in qofku uu niyad u yeelanayo cabista guud ee biyaha.
Sida aan ognahay, 60% ka mid ah jirkeenna wuxuu ka kooban yahay biyo, waana u baahan nahay biyaha si aan u noolaanno.
7- Tamarta oo xoogeysata
Haddii aad badsato cabitaanka biyaha ka sameysan liinta waxaa xoogeysanaya tamarta uu isticmaalo jirkaaga, taasina waxay dan ugu jirtaa howsha unugyada difaaca.
Maaddooyinka ay qaniga ku tahay liinta waxaa ka mid ah Vitamin C.
8- Waxay u fiican tahay maqaarka
Maadaama liintu ay leedahay xaddi badan oo Vitamin C ah – oo gaaraya ilaa 40% – waxay runtii sidoo kale u wanaagsan tahay muuqaalka maqaarkaaga.
Wuxuu maqaarku noqonayaa mid nadiif ah, iftiima, da’dana aysan ka muuqanin.
9- Waxay ka hor tagtaa dhagaxyada kalyaha
Dad badan ayaa mara qalliinno looga saarayo dhagax uga jira kalyaha, qaarkoodna waxayba sababtaas ku waayaan kalyahooda qaaliga ah.
Hase yeeshee, biyaha liinta ayay dhakhaatiirtu ku amaaneen inay sifeeyaan kalyaha ayna ka ilaaliyaan wasakhda iyo dhagaxyada isku aruursada.