8 xuduud oo sida ugu adag loo ilaaliyo adduunka oo dhan

Dhammaan xuduudaha u dhaxeeya dalalka caalamka waxay leeyihiin ciidamo ilaalo ah oo ka kala tirsan labada waddan.

Balse waxaa jira 8 xuduud oo sida ugu adan loo sugo amnigooda marka la barbardhigo inta kale.

1- Xadka u dhaxeeya Mareykanka iyo Mexico

Dalalka Mareykanka iyo Mexico waxaa u dhaxeeya xad ballaaran oo meelaha qaar la dagan yahay meelaha qaarna ay yihiin dhul saxaro ah oo bannaan.

Ku dhawaad 500,000 oo ruux ayaa isku dayay inay xadkaas uga gudbaan si sharci darro ah, waxayna taasi sababtay in dad badan ay ku dhintaan.

Tahriibeyaal ka kala tagay meelo kala duwan oo ka tirsan caalamka ayaa ka gudba xadkaas si ay Mareykanka ugu tallaabaan. Sidoo kale waxa uu marin u yahay burcadda daroogada kala gudbisa ee isaga kala goosha Koonfurta iyo Waqooyiga Qaaradda America.

Marka laga soo tago ciidamada faraha badan ee suga amniga xadkaas, waxaa meealaha qaar ka dhisan darbi.

2- Xadka u dhaxeeya Hindiya iyo Pakistan

Hindiya iyo Pakistan waxaa ka dhaxeysa cadaawad muddo dheer soo taagneyd, ciidamada labada waddanna waxay isku hor fadhiyaan xuduudda u dhaxeysa.

Dhaqdhaqaaq walba oo xadka ka dhaca wuxuu horseedi karaa rasaas ay labada dhinac isweydaarsadaan.

Qof walba oo isku daya inuu si sharci darro ah uga gudba xadkaas wuxuu halis ugu jiraa in durbadiiba la toogto.

3- Xadka u dhaxeeya Koonfurta iyo Waqooyiga Kuuriya 

kuuriyada Koonfureed iyo Kuuriyada Waqooyi waxay isku yihiin cadow, xadkoodana wuxuu ka mid yahay kuwa sida ugu adag loo ilaaliyo ee guud ahaan caalamka.

Xadka labada waddan waxaa u aasan miinooyin aad u badan, waxaana loogu talagalay in aysan cidna u tallaabin labada dhinac midna.

Sidoo kale silig adag ayaa ku xiran waxaana jooga ciidamo aad u badan oo ka kala socda labada dhinac.

Xiisadda colaadeed ee labadan waddan ayaa mar walba cusbooneyd wax isdhexgal ahna ma aysan sameynin wixii ka horreeyay sanadkii 2020-kii.

4- Xadka u dhaxeeya Israa’iil iyo Suuriya

Labada waddan waxay sannado badan dagaallo ku dhex mareen xadka u dhaxeeya, waxayna ku muransan yihiin arrimo dhowr ah oo uu ka mid yahay xadka u dhaxeeya.

Buuraleyda Golan oo u dhaxeeya labada waddan waxaa gacanta ku heysa Israa’iil oo ku qabsatay dagaal dhex maray labada dhinac. Waxaa ku sugan ciidamo aad u badan oo ka kala tirsan labada waddan.

Suuriya ayaa mar walba wacad ku marta inay dhulkaas dib uga qabsan doonto Israa’iil.

5- Xadka u dhaxeeya Hindiya iyo Bangladesh 

Hindiya iyo Bangladesh waxay leeyiin xuduudda ugu dheer caalamka, mana oggolaadaan in ay cidna u kala gudubto labada dhinac.

Guud ahaan xadka sidaas u dheer waxaa ka sameysan xeyndaab silig ah oo aysan suuragal ahayn in laga boodo.

Militari aad u hubeysan ayaa sidoo kale ku sugan xadka.

6- Xadka u dhaxeeya Shiinaha iyo kuuriyada Waqooyi 

Labadan dal waxaa u dhaxeeya labo wabi oo isku xira xuduuddooda.

Shiinaha iyo kuuriyada Waqooyi mid walba wuxuu sameeyay wax walba oo karaankiisa ah si uu u adkeeyo amniga xadka.

Sidaasoo ay tahay, labada waddanba dadkooda waxay u kala qaxaan midba midka kale.

7- Xadka u dhaxeeya Pakistan iyo Afghanistan

Dowladda Pakistan waxay muddo sannado ah isku dayeysay inay darbi silig ah ka sameyso xadka ay la wadaagto Afghanistan si ay u celiso dadka sida sharci darrada ah uga kala gudba halkaas.

Labada waddanka way ku liitaan in ay si sharci ah u xakameeyaan dadka ka tallaaba xadka, sidaas darteed waxaa barta kala qeybisa la geeyay ciidamo aad u xoog badan oo ilaalo ka ah.

Dhaqdhaqaaqyo ay xadka ka sameeyaan kooxo mintidiin ah ayaa sababa muran labada waddan u dhaxeeya, taasoo keentay in xadka il gaar ah lagu hayo.

8- Xadka u dhaxeeya Colombia iyo Equador

Xadka u dhaxeeya labadan waddan waxaa isku xira hal waddo, waxaana jira arrimo badan oo ay ku muransan yihiin labada dowladood.

Waxaa jira kooxo hubeysan oo si sharci darro ah ku gala qeybo ka mid ah dalalkaas, arrintaas oo keentay khilaaf xooggan oo sababay in amniga xadka la adkeeyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *