8 nin oo aad looga cabsan jiray dunida

Inta badan qarnigii 20-aad iyo horaantii qarnigii 21-aad waxaa dunida soo maray 8 nin oo aad looga cabsan jiray. 

Gaar ahaan dalalka Reer Gakbeedka waxaa raggaas looga arkayay inay yihiin kuwo ku kaca ficillda qallafsan ee argagaxa leh, intooda badanna waxay ahaayeen kali taliyeyaal.

8- Saadaam Xuseen

Kaalinta siddeedaad waxaa ku jira Saadaam Xuseen Cabdi al-Majid al-Tikriti. Wuxuu ahaa madaxweynihii shanaad ee soo mara dalka Ciraaq,

Saadaam waxa uu door muhiim ah kasoo qaatay afgambigii Ciraaq ka dhacay sanadkii 1968-kii, kaasoo xisbigiisa uu xukunka ku qabsaday.

30-kii bishii December ee sanadkii 2006 ayaa la daldalay.

7- Kim Jong-il

Ninkan waxa uu ahaa hoggaamiyaha ugu sarreeya Kuuriyada Waqooyi intii u dhaxeysay 1994-kii ilaa 2011-kii.

Markii uu geeriyooday waxaa baddalay wiilkiisa Kim Jong-un oo hadda xukumada dalka.

6- Heinrich Himmler

Waxa uu ahaa kali taliye u dhashay dalka Jarmalka oo sidoo kale xubin ka ahaa maamulkii Naasiga.

Waa mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii ugu awoodda badnaa ee soo maray Naasigii Jarmalka, waana ninka leh mas’uuliyadda ugu badan ee xasuuqii loo geystay Yuhuudda.

Waxa uu dhintay 23-kii bishii May, 1945-kii.

5- Genghis Khan

Wuxuu ahaa aasaasihii iyo boqortooyadii la oran jiray Mongol Empire. Khan waxa uu qaddarin weyn ka heystay gudaha dalkiisa.

Wax canshuur ah kama uusan qaadi jirin macallimiinta, dhakhaatiirta iyo wadaaddada, sidoo kalena dadka kale wuu ka dhimay.

Genghis Khan wuxuu ahaa kali talis jirdil ba’an ku sameyn jiray dadka kasoo hor jeeda.

Shaksiyaadka kale ee liiskan ku jira wuxuu uga duwan yahay in uusan nooleyn qarnigii 20-aad iyo 21-aad midna.

Wuxuu geeriyooday 18-kii bishii August ee sanadkii 1227-kii

4- Mao Zedong 

Waa hoggaamiyihii fikirka hanti wadaagga aaminsanaa ee abuuray kacaanka dalka Shiinaha ka curtay ee maanta loo yaqaanno Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha.

Waxaa aad loogu dhaliili jiray kalitalisnimo, isticmaalka awood militari oo xad dhaaf ah iyo arrimo kale.

Waxa uu geeriyooday 9, September 1976.

3- Usaama Bin Laadin

Usaama bin Maxamed bin Cawad bin Laadin wuxuu ahaa aasaasihii iyo hoggaamiyihii ururka Al-Qaacida.

Waxaa aad loogu xasuustaa inuu ka dambeeyay weerarkii Mareykanka lagu qaaday 11-kii September, 2001.

Sidoo kale wuxuu mas’uul ka ahaa weerarro lagu beegsaday safaarahada Mareykanka ee Kenya iyo Tanzania.

Waxaa la dilay 2, May 2011.

2- Joseph Stalin  

Wuxuu ahaa hoggaamiye kali talis ah oo xukumi jiray waddanka Georgia.

Sidoo kale wuxuu ahas hoggaamiyihii Midowgii Soviet ee 1920-meeyadii ilaa 1953-kii.

Wuxuu ku guuleystay dagaallo dhowr ah, kaddibna wuxuu aasaasay Midowga Soviet oo ka mid ahaa awoodaha ugu waaweyn caalamka.

Ninkan waxaa lagu cambaareyn jiray bar tilmaameedsiga dadka kasoo jeeda qabiillada iyo inuu boqollaal kun oo ruux daldalay.

Joseph Stalin waxa uu geeriyooday 5, March 1953-kii.

1- Adolf Hitler

Kaalinta koowaad waxaa ku jira Adolf Hitler oo ahaa siyaasi u dhashay Jarmalka, sidoo kalena ahaa hoggaamiyihii xisbigii Naasiga.

Jarmalka wuxuu xukumayay intii u dhaxeysay 1933-kii ilaa 1945-kii.

Hitler waa ninkii Yurub ka billaabay Dagaalkii Labaad ee Adduunka kaddib markii uu xoog ku qabsaday Poland 1939-kii.

Wuxuu ahaa maskaxdii ka dambeysay in la xasuuqo 6 million oo Yuhuud ah.

Wuxuu dhintay 30, April 1945-kii.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *