8 calaamadood oo cajiib ah oo dadka leh lagu jeclaado(ma leedahay qaarkood?)

Lamidah

Waxaa jira astaamo dadka qaarkood ay dookh ahaan uga helaan qofka leh, balse laga yaabo inaysan adiga ku cajabinin. 

Sida caadiga ah, astaamaha dadka soo jiita ee qofka lagu jeclaado waxaa ka mid ah, indho waaweyn, san qoran, bishimo buur buuran, tushta dhabanka iyo garka ama waxyaabo noocaas ah.

Calaamadahaasoo dhan waxay si guud usoo jiitaan dadka, qof walbana wuu ka helaa, laakiin waxaa jira kuwo ay dad khaas ah u riyaaqaan, waxaana ka mid ah siddeed aad hoos ku xusi doonno, sawirrana ay la socdaan.

1-Waji weyn

9 Surprising Traits That Men and Women Actually Find Attractive

Wajiga weyn astaan uma aha inuu qofku caqli badan yahay, balse sannadihii lasoo dhaafay daraasado badan oo la sameeyay ayaa muujiyay in dadka wajiga weyn ay si deg deg ah u gaaraan guulaha ay hiigsanayaan.

Dadka qaarna waxayba sheegaan in qofka wajiga weyn uu mar walba u muuqdo mid dhallinyaro ah oo aysan da’da ka soo bixin.

2- Nin xaaskiisa ka gaaban

9 Surprising Traits That Men and Women Actually Find Attractive

Daraasad ayaa natiijadeeda ku gabagabeysay in farxadda xaaska ay ku xiran tahay farqiga u dhaxeeya dhirirka iyada iyo ninkeeda.

Hase yeeshee astaantan waxay soo jiidasho leedahay marka ugu horreysa, waxaana laga yaabaa in xiisaheeda uu marka dambe iska dhammaado.

3- San dheer

9 Surprising Traits That Men and Women Actually Find Attractive

Qofka sanka dheer leh wuxuu ammaan ka helaa qof walba. Waxaa laga yaabaa in dadka qaar ay fool xumo u arkaan balse bulshada badankeed waxay jecel yihiin in qof walba uu sankiisa dheer yahay, lamana garanayo sababta.
Dhanka kalena, dadka sanka dheer waxaa la aaminsan yahay in ay caqli badan yihiin aadna u garasho dheer yihiin.
4- Laalaabka indhaha geesahooda ah
9 Surprising Traits That Men and Women Actually Find Attractive
Marka aad qosleysid indhaha geesahooda maku soo aruuraan? Haddii ay jawaabtaadu tahay “haa” ogow waa astaan ay dad badan xiiseeyaan oo ay qofka ku jeclaadaan.
Waxaa intaas sii dheer in qofka astaantan leh uu yahay mid dadka farxad galin og oo waliba si dhakhso ah loo fahmo kaftankiisa.
5- Dhagaha fiiqan
9 Surprising Traits That Men and Women Actually Find Attractive
Sida ka muuqata sawirkan kore, calaamaddani waa mid dadka leh ay dhif iyo naadir yihiin, waana in dhagaha qaybtooda kore ay dhuuban tahay.
Markii hore astaantan waxaa loo aqoon jiray mid foolxumo ah balse waayadii dambe waxaa soo badanaya dadka jeclaanaya.
Khubarada waxay sheegeen in qofka dhagaha fiiqan uu leeyahay nasiib badan, wajigiisuna uu u eg yahay mid da’ yar.
6- Okiyaalaha
9 Surprising Traits That Men and Women Actually Find Attractive
Gabdhaha okiyaalaha xiran aad bay usoo jiitaan ragga, waana laga helaa inta badan.
Astaantan waxay muujineysaa in gabadhu ay tahay mid xigmad badan, waxayna uga dhex muuqaneysaa dumarka kale.
7- Sunniyaha waaweyn
9 Surprising Traits That Men and Women Actually Find Attractive
Sooma aadan arkin in dadka qaar ay sunniyada indho kuul ku waaweyneystaan? Tani waxay in muddo ahba noqoneysaa astaan uu qof walba raadiyo, gaar ahaan gabdhaha.
Seynisyahanno daraasad sameeyay waxay sheegeen in gabdhaha sida dabiiciga ah u leh sunniyaha waaweyn ay yihiin kuwo xiriirka daacad u noqda qofka ay la haasaawaanna ay u badan tahay inay ilaa heer guur la gaaraan.
8- Fanaxda
9 Surprising Traits That Men and Women Actually Find Attractive
Soomaalida ayaaba caan ku ah astaantan, waxaana laga aaminsan yahay qurux dheeraad ah.
Markii aad yareyd ma isku dayi jirtay inaad ilkaha kala fogeyso si aad fanax u yeelato?
Waa astaan qofka ka dhex soocda dadka kale, oo xitaa mararka qaar naaneys looga dhigo.
Balse waayadii dambe waxaad mooddaa in Soomaalida ay kasii xiiso dhacayaan, iyadoo qaarkood ay fanaxda ku baabi’iyaan xirashada ilkaha.

More articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Ugu Danbeeyay