8 astaamood oo lagu garto qofka ku daneynaya

Mararka qaar mashquulkeenna awgiis waxaan garan weynaa qofka na jecel. 

Jacaylkaaga waxaa laga yaabaa inuu kula joogo goobta shaqada, waxbarashada ama meesha lagu qaxweeyo laakiin aadan ku baraarugsaneyn.

Sidaas darteed, waa inaad fahanto qofka doonaya inuu qalbigaaga hanto.

Kuwani waa siddeed astaamood oo lagu garto qofka ku daneynaya.

1- Qofkaas wuxuu kuu keenayaa waxyaabo aad jeceshahay

Ha ahaado koob qaxwo ah oo aad daneyneyso ama albun heeso ah oo cusub, qofkaas wuxuu isku taxluujinayaa inuu wax uun kuu keeno.

Wuxuu isku dayayaa inuu ku dareensiiyo sida uu daneynayo waxyaabaha aad ka heshid.

2- Qofka ku daneynaya si joogto ah ayuu kuu amaanayaa waana ka dhab

Si kasta oo ay maquul ugu noqoto iyo fursad kasta oo uu helo ayuu kugu amaanayaa.

Meel kasta wuxuu kuugu sheegayaa hadallo kugu sifeynaya dabeecad wanaagsan, qurux iyo nooc walba oo amaan ah. Baraha Bulshada, farriin qoraaleedka iyo si fool ka fool ahba wuu kuugu sheegayaa.

3- Qofkaas wuxuu kugu soo jiidanayaa astaama luuqadda jirka

Mararka qaar inuu qof dareen jacayl kuu qabo waxaa lagu garan karaa hab dhaqankiisa marka uu kula joogo. Tusaale ahaan dhoollacaddeyn joogto ah, timaha oo uu gacmaha dhex galiyo iyo wixii la mid ah.

Dd r Alber Scheflen oo qoray buugga lagu aruuriyay calaamadaha loo yaqaanno luuqadda jirka ayaa sheegay in mar kasta oo qof uu la joogo qof jinsiga kasoo horjeedo ah uu sameeyo dhaqdhaqaaqyo gaar ah.

4- Qofkan wuxuu ku dadaalaa in ay indhihiisa iyo indhahaaga is qabtaan

Daraasad ay sameysay Jaamacadda Chicago ee dalka Mareykanka ayay cilmi baareyaasha ku ogaadeen in qofka ku daneynaya uu aad u raadiyo sidii ay isku qaban lahaayeen indhihiisa iyo indhahaaga.

Indhuhu waxay fashilaan sirta qofka.

5- Qofkan wuxuu daneeyaa waxyaabihii aad soo martay

Mar kasta waxaad kala kulmeysaa su’aalo ku saabsan noloshaadii hore, aad buuna u daneynayaa taariikhdaada.

Wuxuu sidoo kale ku dadaalaa inuu ogaado waxyaabaha aad jeceshahay ama sameysid xilli kasta.

6- Qofkan si taxadar leh ayuu kuu dhageystaa

Marka aad hadleyso ama sheekeyneyso kuma dhageysto oo kaliya balse si taxadar leh ayuu ula socdaa hadalkaaga.

Buuq kasta oo jira iyo mashquul kasta oo kaasii jeedin kara dhag uma dhigo adiga kaliya ayuuna ku siinayaa dareenkiisa.

7- Qofkan wuxuu doonayaa inuu barto saaxiibbadaa

Waxaa hubaal ah in saaxiibbadaada ay yihiin qayb ka mid ah noloshaada. Kuwii hore ama kuwo cusub oo aad sameysaneysidba.

Ogow qofka ku daneynaya wuxuu aad u jecel yahay inuu wax ka ogaado dadka aad waqtigaaga la qaadatid.

8- Qofkan wuxuu ku dadaalaa inuu karti kuu muujiyo

Marka uu qof ku daneynayo, xanuun walba oo haya ama si kasta oo uu culeys kale u dareemayo wuxuu adiga kuu muujinayaa inuu xaaladda ugu fiican ku jiro.

Markii si kale loo dhigo, qofkaas wuxuu doonayaa inuu kugu farxad galiyo hab dhaqankiisa iyo wanaaggiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *