7 xeeladood bar carruurtaada si ay noloshooda u maareeyaan

Waalid kasta wuxuu jecel yahay in cunugiisa uu noqdo kan ugu caqliga badan carruurta kale isagana farxad galiya.

Haddii aad dooneyso inaad ku faanto ilmahaaga ku dadaal sidii aad u bari lahayd xeeladahan cajiibka ah oo ka caawin kara in ay nolosha maareeyaan xitaa haddii aadan la joogin.

1- Sida loo sameeyo gargaarka deg degga ah

Qof walba waa inuu yaqaanno sida loo caawiyo ruux uu ku dhacay dhib, sababtoo ah xirfaddaas waxay badbaadin kartaa qof kale naftiis.

Sidaas awgeed cunuggaaga waa inaad siiso koorso aad ku bareyso gargaarka deg degga ah oo uu adeegsado marka uu la kulmo dhacdo lama filaan ah.

Meesha ugu muhiimsan ee uu ku isticmaali karo waa isla guriga gudihiisa – haddii uu waalidka dhib gaaro ama cunug kale oo walaal ah uu shil ku dhaco.

2- Sida la isu difaaco

Xeeladda ku saabsan is difaacidda waa mid aad muhiim u ah oo qof walba oo weyn uu u baahan yahay, carruurtuna sidaasoo kale ayay ugu baahan yihiin.

Tusaale ahaan marka dugsiga cunugaagu dhigto ay joogaan carruur dhib badan oo ku maadeysta waxaa aad u anfacaya inuu yaqaanno xirfad uu naftiisa ku difaaci karo haddii ay timaado in la dagaallamo.

Taasi waxay ilmahaaga siineysaa kalsooni ay carruurta kale uga baqaan, wax culeys ahna uusan xagooda uga imaanin.

3- Sida wax loo kariyo

In carruurta la baro noocyada cuntooyinka iyo waliba sida loo kariyo waxay ka caawineysaa inay xushaan raashinka u wanaagsan caafimaadkooda.

Kumaba sii jirto marka uu cunugaas gabar yahay oo waxaaba loo baahan yahay in ay da’ yar kula wareegto howsha cunto karinta guriga, marka ay reer yeelatana waxaa anfaceysa xirfaddaas.

4- Sida loo maareeyo waqtiga

Inta badan dadka waaweyn waxay la kulmaan marxalado adag oo la arko marka ay howlo badan kuu yaallaan waqtiguna kugu yar yahay.

Sida kaliya ee xalka lagu heli karo waa inuu qofku fahmo muhiimadda ay kala leeyihiin howlahaas iyo kala xulashadooda iyo waliba sida loo tashiilo waqtiga.

Haddaba cunugaagana bar sida aad arrintaas u sameyso.

5- Sida loo isticmaalo lacagta

Xitaa marka ay carruurtaadu yar yihiin way baran karaan maareynta lacagta iyo sameynta miisaaniyadda. Taasi waxay ka caawineysaa in aysan khasaarinin lacag lagu fulin lahaa howlo muhiim ah.

Waxaa aad u fiican inaad xeeladdan carruurtaada barto inta aysan gaarin 7 sano ka hor ama marka ay da’daas yihiin.

Bar isticmaalka kala duwan ee lacagta sida qadaadiicda, xaanshida iyo waliba kaararka bangiga. Xitaa ku tababar sida wax loo soo iibiyo adigoo u kaxeynaya suuqa oo tusaya. Waxaa kale oo muhiim ah inaad barto sida wax loo keydsado.

6- Go’aan qaadashada

Waa arrin dabiici ah in walaid kasta uu ilmihiisa la doonayo wax fiican isla markaana jecel yahay inuu ku lug yeesho go’aannada ku saabsan noloshooda.

Laakiin ogow waa lagama maarmaan inaad cunugaaga barto sida ugu habboon ee loo qaato go’aannada. Waxaa suuragal ah in aadan waqti badan la joogin ama fursad u weyso.

Mar walba ilmahaaga ka dhig qof weyn oo xirfad go’aan qaadasho leh.

7- Sida loola dhaqmo dadka kale

Akhlaaqda wanaagsan xilliga ugu haboon ee la barto waa carruurnimada. Waalidka ayay waajib ku tahay inuu carruurtiisa baro sida habboon ee loola dhaqmo dadka kale.

Waxaad ka billaabi kartaa in carruurta dhexdooda aad ku hagto hab dhaqanka wanaagsan, tusaale ahaan in cunug khalad ka galay walaalkiis ama walaashiis uu raalligalin siiyo.

Marka ay xeeladdan yaqaannaan carruurta waxaa u fududaada wax barashada maadaama aysan dhibaato kala kulmeynin macallimiinta iyo ardayda toona.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *