7 Waxyaabood oo Cajiib ah oo Ku Saabsan Jacaylka Qaybta 3-aad

1 | jaceylku madax xanuunka ayuu daawo ka yahay.

Hadii aad la tacaalayso madax xanuun joogto ah wax daawo ahna aad u wayday, malaha jacaylku waa daawo sir ah oo aad iska daweyn karto xanuunkaa badan ee madaxa. Waxaan qaybihii hore ee taxanahan ugasoo hadallay hormoon ama maadda la yiraah Oxytocin oo waxtar badan u leh aadmiga, hadaba cilmi baarayaasha jaamacadda Standford qaybteeda dawooyinka ayaa sanka uga buufiyey hal goojo oo Oksitoosin ah (Oxytocin) oo sidaan horay usoo sheegnay ah hormoonka jacaylka, boqolkiiba kontan dhibanayaashii waxay sheegeen in xanuunkoodii uu aad u yaraaday muddo afar saac ah kadib halka boqolkiiba 27% kamid ah dadkaas ay sheegeen inuu xanuunkii ka guuray gabi ahaanba afartii saacadood gudahood.

hadaba taasi waxay ka dhigantahay in dareenka jacaylku daawo ka yahay maxa xanuunka joogtada ah sida wareentada iyo goonjabka maxaa yeelay; hormoonka loo yaqaan hormoona jaceylka waxuu daawo ka yahay ama yareeyaa xanuunkaas hormoonkaasna waxuu si toos ah uga dhashaa jaceylka.

2 | Waxaad ka heli kartaa jaceylkaaga meel walba oo aadan ka filaynin.

Waligaa ma ogaan kartid meesha aad kula kulmi doonta qofka qaybta ka noqon doona naftaada. daraasa lagu sameeyay in kabadan 5,000 oo masaafuriin ah waxaa lagu ogaaday in kontankii qofba ee dadka safra ah uu mid ka mid ah jaceylkiisa kula kulmay diyaarad gudaheed markii ugu horeysa.

daraasaddan oo ay samaysay shirkadda HSBC ayaa muujinaysa in meel aadan ka filanayn aad ka helo karto qof aad jeclaato xataa diyaarad dusheedna ha ahaatee.

Waxaad ogaataa in safarada diyaaradda ee ugu dheer ay yihiin 24 saac ama ka yar balse waxaad jaceylkaaga ka heli kartaa baska ama tagsiga aad 30 daqiiqo saarnayd.

3 | Nimanka ayaa ka hor jeclaan og dumarka.

Inkastoo dumarku ay ka qalbi jilicsan yihiin ragga dhanka jaceylkana loo maleeyo inuu dumarka kaga hor dhoco ragga hadana Daraasad lagu daabacay The Journal of Social Psychology ayey baarayaashu ku ogaadeen in ragga ay marka hore dareemaan jaceylka ayna ayaga yihiin kuwa hor sheegta jaceylka. Hadaba inkastoo aanay sheegin sababta rasmiga ah ee ka dambaysa arinkan hadana waxay u badiyeen inay tahay cabsida dumarku ay ka qabaan in qalbiga laga jabiyo waayo Dumarku si awood iyo xoog ku dhisan ayey wax u jeclaadaan waxaana adag inay ka kabsadaan qalbi jabka si dhaqsa ah.

Saas darteed ayey badanaa dumarku u aamusaan illaa ninku uu jaceylka ka sheegto kubbadduna ay dhankooda usoo wareegto si ay u helaan goaanka ogolaanshaha ama diidmaada ah.

4 | Lacagta isbitaalka kaaga bixi lahayd ayuu jaceylku kuu baajinayaa.

Markii Waaxda Adeegyada Caafimaadka iyo Dadku ay falanqeeyeen daraasado isbarbar dhig ku sameeyay guurka iyo caafimaadka, waxyaabaha layaabka leh ee ay heleen waxaa ka mid ahaa in dadka is qaba ay muujiyeen booqashooyinka dhakhtarka oo aad u yar iyo mudada joogitaanka cisbitaalka oo ka gaaban marka loo eego kuwa aan lamaanaha ahayn. “qiyaasta ugu macquulsan ee arinkan ayaa ah in bani-aadamka loo abuuray si ay ugu noolaadaan kooxo si dhow isugu xidhan,” ayuu yiri Harry Reis, oo tifaftire ka ah (Encyclopedia of Human Relationships), mar uu sharraxay WebMD. “Marka taasi aysan dhicin, nidaamyada jidhka ayaa wareeraya kadibna caafimaad darro ayaa soo wajaheysa qofka” ayuu yiri

5 | Wuxuu kuu sahli inaad ka bogsooto durba dhaawac jirka ah ama xanuun kale.

Marka aad xanuun santahay ama dhaawac uu kusoo gaaro; qof aad jeceshshay oo agtaada jooga; niyad dhis oo kali ah kama helaysid. markii ay cilmi baarayaasha xarunta dawooyinka ee jaamacadda Ohio daraaseeyeen dad dhaawac jeexdin ah si tala gal ah loo gaarsiiyey si loo ogaado mudada ay ku bosoon karaan; Dadka wadaagayey niyad dhiska iyo xanaanada maskaxeed waxay ku bogsanayeen laba jibaar si ka dhaqsa badan kuwa aan jaceylkoodu ka ag dhaweyn ama aan naxariista jaceyl isu miijinaynin.

6 | dhiig karka ayuu yareeyaa ama hoos u dhigaa.

Dhiig karka waxaa lala xiriiriyaa xanuuna badan sida istaroogga iyo xanuunada wadnaha.

Nasiib wanaag, hal daraasad oo lagu daabacay Annals of Medicine  ayaa lagu ogaaday in si fudud oo farxad leh oo loo guursado ay ka qayb qaadato dajinta dhiigkarka , sidaa darteed ha ilaawin inaad u mahad celiso ninkaaga ama xaaskaaga maadaama aad ka hseho caafimaad toos ah.

7 | Si tartiib tartiib ah ayuu u kobcaa.

kadib markii barayaasha jaamacadda Havard ay si dhow u baaraan qaabka koboca ama hurmarka jaceylka waxay ogaadeen wax qof walba oo jaceyl soo maray uu ogaa.

marxalado kala duwan ayuu maraa asaga oo ku bilawda rabitaan xadidan kadibna gaara heer waali ah ama xad dhaaf ah kaasoo qofka wax jecel ka dhigta qof aan awoodin inuu si sax ah ama caqliga qiyaaska uu ku qeexo dareenkiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *