7 Waxyaabood oo Cajiib ah oo Ku Saabsan Jacaylka Qaybta 2-aad

1 | Jaceylku wuxuu noqdaa balwad

Waliga qof ma jeclaatay mana doontaa inaad la hadasho ama la kulanto walow laga yaabo inaad hadda uun taleefanka ka jartay?. Helen E. Fisher oo ah antrobiologist (Qayb kamid ah cilmu nafsiga iyo dabeecadaha dadka) aya waxay sheegtay in jacaylka ku dhisan (romantic) uu yahay wax aad u awood badan oo cajiib ah waxayna sheegtay in hoormoonada ay maskaxdu sii dayso marka uu qofku jaceyl ku jiro ay yihiin wax aad u macaan oo u qabta qofka sida balwadda oo kale ama maandooriyaha.

Dadka maandooryiha isticmaala badankooda way ogyihiin dhibaatada ay balwaddu u leedahay caafimaadkooda balse baahida uu u qabo iyo maskaxdiisa oo la qabsatay awgeed ayuusan qofku isaga goyn karin, sidaas si la mid ah qofka wax jecel wuxuu jecelyahay inuu la joogo, la hadlo, kana sheekeeyo qofka uu jecelyahay, xataa hadii qofka kale uusan jeclayn amaba uu u daran yahay qofka wax jecel wuu inkiraa kan wax jecli in qofkani uu u daranyahay naftiisa.

2 | Inaad isku nabto ama taataabato qofka aad jeceshahay waa wax kuu wanaagsan.

Marka aan taataabanayno ama salaaxayno dusha bisadda iyo caruurta waxaan ka helnaa dareen farxadeed aa wanaagsan isla sidaasoo kale marka marka xaaskaaga ama ninkaaga aad isku nabto ama salaaxayso dushiisa waxay maskaxdaadu sii dayn hormoonko oxytocin loo yaqaan oo aan ku xusnay qaybtii koobaad ee taxanahan kooban.

Hadaba hormoonka oxytocin wuxuu masuul ka yahay dareenada farxadda iyo niyad samaanta, hormoonkan aad ayey uga hadlaan culumada saynisku waxaa xataa loogu yeeraa “hormoonka salaaxidda” ama “hormoonka jacaylka”.

3 | jaceylku wuxuu yareeyaa xanuunada joogtada ah (Chronic pain).

In kasta oo jacaylku aanu beddeli doonin daawada casriga ah wakhti dhow, haddana wuu ku anfacayaa haddii aad waligaa isku aragto xanuun daran. Hal daraasad oo ay sameeyeen cilmi baarayaal ka tirsan Iskuulka Caafimaadka ee Jaamacadda Stanford ayaa lagu ogaaday in dareenka diirran ee jaceylku uu bixiyo jawaab la mid ah midda maskaxda uu siiyo kiniinka xanuun baabi’iyaha (iyada oo aan wax saameyn ah oo waxyeelo leh aan laheyn).

4| jaceylku wuxuu si toos ah oo wanaagsan u badali karaa shakhsiyadaada.

Xitaa dadka ugu rajo xumada badan waxay si fiican ugu beddeli karaan noloshooda xoogaa yar oo jacayl ah , ugu yaraan sida ku cad natiijooyinka hal daraasad oo lagu daabacay Joornaalka (Personality). Ka dib markii la daba galay 245 lamaane dhalinyaro ah muddo sagaal bilood ah, saynisyahannada ka dambeeya daraasaddan waxay ogaadeen in si aan toos ahayn uu xiriirka jacaylku ugu badalay neerfaha lamaanayaasha rajo-wanaag iyo isku kalsooni, sida iska cad waxaa lagu micneeyey shucuurta wanaagsan ee laga helo jaceylka inay sababaan arintan wanaagsan.

5 | Daacadnimada iyo runtu waxay raajiyaan xiriirka jacaylka.

Waxay soomaalidu ku maahmaahi jirtay naag been kusoo xera gali runna ku dhaq, waxay ka dhigan tahay sidaad doontaan isku guursada balse dhaqnaanshaha qoyska waxaa aasaas u ah runta iyo daacadnimada.

Daraasad lagu daabacay joornaalka (Personal relationships) ayaa lagu sheegay in qoysba qoyska uu ka dacadsan yahay kana run badan yahay dhanka arimaha qoyska uu ka waarid ama raagid badanyahay, waayo waxaa gun dhig u ah wax lagama maarmaan u ah xiriirka jacaylka uu ah runta.

6 | Jaceylka dadka kala fog wuxuu adkeeyaa xiriirkooda.

Waxaa laga yaaba dad badan inaad ka maqasho xiriirka dadka kala fog ma shaqeeyo balse daraasad lagu daabacay joornaalka (communication) ayaa lagu ogaaday in jacaylka labada qof ee kala fog uusan shaqaynin oo kali balse uu adkeeyo is aaminaadda labada qof uuna ka fiicanyahay kan dad isla jooga.

Waxaa loo aaneeyay in marka horeba jacelka fog uu u suurta galo oo kali ah dadka is fahmi kara kalsooniduna ay ka bilaabato is fahanka, halka dadka isla jooga laga yaabo in qofka shakhsiyadiisa uu qarsado adna aad ku mashquusho muuqaalka qofka kadibna uu idin dhex maro xiriir aan is faham sax ah ku salaysnayn.

7 | Jaceylka iyo qosolku way isla socdaan.

Hadii aad doonayso inaad jaceyl xoog badan la samayso lamaanahaaga; la qosol uga sheekee kana dhagayso sheekooyinka qosolka leh, la daawo riwaayadaha shactirada ah, hadii aad taqaanid samee kaftanka lagu qoslo.

daraasad kale oo lagu daabacay joornaalka (Personal relationships) ayey baarayaashu kusoo koobeen in lamaanayaasha isla qosla ee isla shactiraysta ay iskaga kalsoonyihiin kuna qanacsan yihiin xiriirkooda marka loo eego kuwa aan isla qoslin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *