7 Waxyaabood oo Cajiib ah oo Ku Saabsan Jacaylka qaybta 1-aad

1 | Jacaylku wuxuu la mid yahay maan dooriyeyasha

Dareenkaas farxadeed ee aad hesho markii jacaylku kugu dhaco waa isla dareenka kuwa maandooriyaha isticmaala ay la helaan, sida lagu sheegay hal daraasad oo lagu daabacay Joornaalka Caafimaadka Galmada. Labada ficilba waxay kicinayaan sii-deynta hormoonnada farxadda sida hormoonada loo yaqaan (dopamine, oxytocin, iyo adrenaline) iyagoo ku siinaya dareen nooc mirqaan oo dabiici ah.

2 | Qofka aad jeceshahay oo aad laabta galiso waxay si deg deg ah kuu ilawsiisaa murugada.

ma culaysbaad dareemaysaa? Isku soo duub (laaba gali) qofka aad jeceshahay. Hal daraasad oo ay sameeyeen dhakhaatiirta cilmu-nafsiga ee Jaamacadda North Carolina ayaa lagu ogaaday in marka lammaanuhu laabta is galiyaan, ay kordhaan heerarka hormoonka (oxytocin) oo mas’uul ka ah dejinta walaaca iyo kor u qaadista niyad samida.

3 | Qalbi faraxsan waa Qalbi caafimaadsan.

Inaad kujirto xiriir jaceyl waxay saameyn kuyeelaneysaa noloshaada sida ugufiican shucuur ahaan iyo jir ahaanba. Sida laga soo xigtay daraasad lagu sameeyay in ka badan 3.5 milyan oo qof, shakhsiyaadka is qaba illaa da’da 50 waxay boqolkiiba 12 u dhowdahay in aanay la kulmaan cudurrada xididdada dhiigga, marka la barbar dhigo kuwa is furay ama kuwa iskaabulada ah, Hadii aan si kale u dhigno guurku wuxuu hoos u dhigaan boqolkiiba 12 in ay ku haleelaan xanuunada xididada dhiigga qaada ku dhaca.

4 | Xayawaanku xataa waxay samaystaan xiriirka lamaanaha dadka oo kale.

Marka aad maqasho xayawaan waxaa kugu soo dhacaya in dhanka taranka ama galmada marka la yimaad xaaladoodu hayaacdo tahay balse waxaa xaqiiq ah in xayawaanno badan oo ay ka mid yihiin dawcada iyo guumaysta ay samaystaan xiriir qoys oo kan aadmiga oo kale ah, waxay ka dhigantahay hal dhaddig iyo hal lab oo xayawaanadan ka mid ah ayaa samaysan wada noolaasho galmo iyo jacayl.

5 | Lamaanaha garaaca wadnahoodu wuu is waafaqaa.

Marka lamaanaha ay isu dhawaadaan isna fiirinayaan waxaa isla jaan qaada garaaca wadnahooda.sida lagu sheegay cilmi baaris ay sameeyeen aqoonyahanno ka tirsan Jaamacadda California, Davis. markii 32 lamaane oo jinsiga kala duwan ah ay is hor fadhiisteen muddo 3 daqiiqo ah ayaga oo is eegaya, saynisyahanadu waxay ogaadeen in garaaca wadnahoodu isku mar dhacayo ayaga oo markii hore kala dambeeyay, waxay ku qiyaaseen inay sababayso arintan xiriirka adag ee ka dhexeeya labadan qalbi.

6 | Jacaylku waa sababta 1aad ee la isu guursado.

inkastoo dhaqan ahaan bulshada caalamku kala duwan tahay balse cilmi baaris ay samaysay xarunta cilmi baarista e PEW waxayku sheegay in 10 kii qof ee ameerikaan ah 9 kamid ahi ay aaminsanyihiin in muhiimadda kuuwaad ee guurku tahay jacaylka ka dhexeeya labada qof halka 28 boqolkiiba ay sheegeen in daganaanshaha dhanka dhaqaaluhu ay tahay sabab muhiim ah oo loo guursan karo.

7 Guurku wuu soo badanayaa jacaylka dartii.

Sanadba kan ka dambeeya waxaa soo badanaya dadka reer horay u lahaa ee is furay balse mar labaad guursaday kadibna farxad helay. 2013 kii boqolkiiba 23 dadka is guursaday xiriir guur oo dhamaaday ayey kasoo bexeen mar ama labo, halka 1960kii dadka furiinka kadib guursada ay ahaayeen boqolkiiba 13. Taasi waxay ka dhigantahay in dadka ay ka baqi jiren guurka labaad hadii uu kan hore ka xumaado halka hadda ay dadku fahansanyihiin in gur labaad ama sadexaad ay ka heli karaan farxadii iyo jacaylkii ay ka waayeen kii ugu horeeyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *