7 eray oo carruurta lagu dhaho caqligooda uu kordho – 7-dan kale ka ilaali

Khubarada ku xeel dheer cilmi nafsiga waxay sheegeen in waxyaabaha lagu soo maro carruurnimada ay saameyn ku yeeshaan qofka marka uu weynaado. 

Cunug waxla sida lagu soo barbaariyo ayuu noqdaa. Taasi waa sababata aan ugu baahan nahay inaan carruurteenna ku korinno meel amaan ah oo ay ku qanacsan yihiin.

Hase yeeshee mararka qaar arrintan way adkaan kartaa, oo xitaa hadal uu qofka waalidka ah si daacadnimo ah u yidhi ayaa waxyeello dhinaca maskaxda ah gaarsiin kara cunuga.

Haddaba haddii aad dooneyso in ilmahaaga ay noqdaan kuwo adkeysi badan ka ilaali siddeeddan eray, baddalkoodana isticmaalka siddeed kale oo aan xusi doonno.

1- “Waxba kuma gaarin”

Marka uu cunugga dhaco waa khasab in uu xanuun dareemo, laakiin waalidiinta intooda badan waxay dhahaan “waad boodday” ama “waxba kuma gaarin”.

Eraygaas wuxuu sababayaa in cunugga uu shaki ka galo dareenkiisa, sida ay sheegtay aqoonyahanad lagu magacaabo Christina Clemer.

Waxaa laga yaabaa ilmaha in markii uu kufay uu jilibka murxay, taasoo ah wax uusan cunug yar u dulqaadan karin. Markii uu maqlo waalidkii uu wax walba uga dayanayay oo dhahaya wax ku gaaray ma jiro wuxuu u maleynayaa in dareenkiisa jir ahaaneed uu been abuur yahay.

Sidaas awgeed, ha isticmaalin eraygaas.Baddalkiisa waxaad dhahdaa: “Waan ogahay inaad xanuunsatay, laakiin waad fiicnaan doontaa”.

2- “Waad sameyn kartaa, way fududdahay”

Arrin kale oo dareenka ilmaha jahwareerisa waa in markii ay arkaan wax sameystiisa ay caqabad ku tahay uu qofka waalidka ah u sheego inay yihiin wax sahlan oo durba la sameyn karo.

Tusaale ahaan markii leyli farshaxan ah looga soo diro iskuulka, uuna ku adag yahay sameyntiisa.

Maadaama uu yahay ilmo wuxuu taas u fahmayaa in ay maskaxdiisa wax ka dhiman yihiin, waxaana ku billaabanaya walwal xad dhaaf ah.

Inaad cunuggaaga sidaas u wareeriso waxba uma tareyso isaga/iyada.

Kalmaddaas intii aad dhihi lahayd waxaad ku dhihi kartaa: “Waan ogahay inay adag tahay, laakiin waxaan aaminsanahay inaad sameyn kartid”.

Intaas kaddib cunuggaaga ku caawi howsha uu ku mashquulsan yahay.

3- “Waad iga careysiineysaa”

Daraasado dhinaca cilmi nafsiga ah oo la sameeyay waxay sheegayaan in ay muhiim u tahay carruurta inay fahmaan sida waxyaabaha ay sameeyaan ay u dadka waaweyn saameyn ugu yeeshaan.

Haddii aad si daggan loogu sharrixin waligood ma fahmaan.

Marka carruurta si caro leh wax loogu sheego xogtaas ma qaataan. kaliya waxaa u muuqaneysa xaaladda qallafsan ee xanaaqa uu wato.

Haddii cunuga uu jabiyo bakeeri ama darmuus, uma habboona in lagu qeyliyo ama caro loo muujiyo.

Intii aad dhihi lahayd “waad iga careysiisay” ama “waad i waashay” ka warran haddii aad tiraahdo: “Waan murugeysanahay sababtoo ah bakeeriga jabay aad baan u jeclaa, fadlan mar kale ka taxaddar”.

Taas waxay fahansiineysaa sida uu ficilkiisa u saameeyay dareenkaaga.

Waa hubaal in markaas uu cunugga qaadanayo xogtaas sida xasiloon loogu sheegay.

4- “Waan nacay shaqadeyda”

Cabashada ay waalidiinta ka muujiyaan heerka aqoontooda iyo shaqooyinka ay ku heleen waxbarashadooda waxay saameyn weyn ku yeelataa carruurtooda, sida lagu ogaaday cilmi baaris.

Ilmaha waxaa laga yaabaa inuu ku fakaro sida ay noloshiisa noqon karto marka uu weynaado, haddiiba waalidkiisa uusan ku faraxsaneyn xaaladda uu ku jiro. Waxaa xitaa halis ah inuu ka niyad jabo waxbarashada oo dhan.

Haddaba waxaa haboon in ilmaha laga ilaaliyo dareenka xoogga badan ee ay dadka waaweyn la kulmaan, sida marka ay shaqada ku xumaato, oo waa in uusan ilmaha maqlin waalidkii oo dhahaya: “waan nacay shaqadeyda”.

Taa baddalkeeda waxaad dhihi kartaa: “Howl adag ayaan hayaa laakiin waan maareyn doonaa”. 

5- “Maxaa idinka khaldan?”

Haddii ilmaha oo wax aan habbooneyn sameynaya aad weydiiso waxa ka khaldan waxay taasi sababeysaa inasu maleeyaan dad aan caadi ahayn, su’aalo badan ayeyna iska weydiinayaan waxa ka halleysan.

Ilmahaaga haka dhigin sidii wax waalan. Tusaale ahaan haddii aad qolka ugu soo gasho iyagoo sariirta ku boodboodaya, u sheeg in ay wax halleynayaan loona baahan yahay inaysan sidaas sameynin.

“Ilmaheyga, haddii sariirta lagu dul bood boodo way dabceysaa, gogoshana way hallaabeysaa, marka dib dambe ha ugu ciyaarina”.

U bidhaami in aadan dooneynin dhaqamadooda qaar laakiin si sharraxaad leh ugu sheeg, hana ogaadaan in aad laba jeeraba jeceshahay iyaga.

6- “Wax laga cabsado ma jiraan”

Waxaa dabiici ah in carruurta ay ka cabsadaan waxyaabo ay iyaga kaligood aaminsan yihiin, oo qaarkoodna lagu cabsiiyo. Waa run in aysan waxba ka jirin laakiin sidaas uguma sheegi kartid iyaga, mana u fahmayaan.

Marka ay da’da 4 sano ku jiraan waxay iska dhaadhiciyaan in wax sida bahal ah uu soo weerari karo, marka ay 7 sano gaaraanna waxay aaminsan yihiin in uu guriga soo gali karo nin waxyeello u keeni kara ama “dad qalato” iyo wixii la mid ah.

Haku dhihin: “iska daa cabsida, bahal ma jiro, wax laga cabsadana maba jiraan”.

Erayga caawin kara haddii aad ku dhahdid ayaa ah: “Waan ogahay inaad cabsaneysid laakiin aniga ayaa kula jooga, cid wax ku yeeli karta ma jirto anigaa kaa difaacaya”.

7- “Waxaa tahay sidaas iyo sidaas…”

Ilmahaaga haku tilmaamin wax khaldan oo laga rabo in ay ka duwanaadaan. Haddii aad u sheegto inay leeyihiin dabeecadaha sida inay caajis badan yihiin, inay ka xishoodaan la ciyaarista ilmaha kale iyo wixii la mid ah waxay u badan tahay inay sidaas lafteeda iska aaminaan oo ay sameeyaan isla sidaas uun.

Haddii cunuga aad mar walba ku tilmaantid caajisloow, wuxuu noqonayaa caajisloow dhab ah, sida lagu xaqiijiyay daraasado kala duwan.

Maxaa laga rabaa waalidka inuu sameeyo taas baddalkeeda?

Ku dheh cunuggaaga: “Maxaad ula ciyaari weysay carruurta kale? Ma jirtaa arrin aad jeceshahay inaad ii sheegtid?” 

Hab dhaqankan lagu barbaariyo carruurta wuxuu kobciyaa caqligooda iyo garashadooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *