7 astaamood oo uu leeyahay qofka aadka u caqliga badan

Dabeecadaha joogtada ah ee ay dadka qaar leeyihiin waa astaamo micno ku fadhiya, sida in ciddiyaha ilkaha lagu gooyo. 

Cilmi baaris ayaa lahu ogaaday astaamo muujinaya dadka sida aadka ah u caqliga badan.

Waxaa laga yaabaa in aadan is ogeyn laakiin calaamadahan haddii aad leedahay waxaa tahay qof caqligiidu uu xad dhaaf yahay.

1- In cabashada loo gudbiyo si ixtiraam leh

In qofku uu si qaddarin ku dheehan tahay u hadlo marka uu arko wax laga khalday, ha ahaato goobta shaqada, bannaanka ama meel kastaba waa asyaan muujineysa caqliga badan.

Inkastoo ay waxaas ku dhibayaan haddana waxaad eegeysaa goobta aad ku sugan tahay iyo cabashadaada sida ay u saameyneyso dadka jooga hareerahaaga.

2- Inuu qofku isla hadlo

Saynisyahannadu waxay aaminsan yihiin inay faa’iido aad u weyn ku jirto inuu qofku isaga is dhageysto.

Inaad maqasho hadallada afkaaga kasoo baxaya marka aad isla hadleyso waxay maskaxdaada uga saameyn badan tahay marka aad wax aqrineyso ama aad fikireyso.

Waxaa arrintan sidoo kale lala xiriiriyay inay qeyb ka qaadato go’aan gaarista wanaagsan.

Waana astaan muujineysa caqliga xad dhaafka ah.

3-  Inuu qofka is xakameeyo

Mid ka mid ah astaamaha kale ee muujinaya caqliga dheeraadka ah waa inuu qofku awood u leeyahay inuu iska celiyo waxyaabaha soo jiidan kara ee inta badan dadka aysan iska celin karin.

Cilmi baaris la sameeyay ayaa lagu ogaaday in qofba qofka uu ka caqli badan yahay ay sahlan tahay inuu is xakameeyo.

4- Inuu qofku kaligiis ahaan karo

Dadka caqliga badan leh badanaa waa gooni socod waxayna jecel yihiin inay kaligood ahaadaan.

Farxaddoodu kuma xirna inay dad kale ku dhex jiraan.

Mar walba waxay ku mashquulsan yihiin fikradahooda oo wehel ugu filan.

Saaxiibbadoodu way kooban yihiin waxayna waqti la qaataan mararka qaar.

5- Isuma maleeyaan inay caqli badan yihiin

Daraasado badan ayaa lagu ogaaday in dadka uu caqligooda yar yahay ay mar walba isu maleeyaan inay caqli badan yihiin kuna faanaan.

Laakiin dadka caqliga u saaxiibka ah isuma maleeyaan inay xad dhaaf u caqli badan yihiin ama dadka kale ka caqli yar yihiin toona.

6- Dadka ciddiyaha ilkaha ku cuna

Daraasad cusub oo dhawaan la sameeyay ayaa lagu fahmay in dadka ciddiyaha faraha ilkaha ku jara aysan ahayn astaan xun balse taas baddalkeeda ay muujineyso inuu qofka caqliisa aad u badan yahay.

Waxay khubaradu sheegeen in marka uu qofka dajinayo fikrado waayen oo caqli ku dhisan uu ciddiyaha cuno isagoo ku mashquulsan inuu saxo meelaha ay fikradahaas daciifka yihiin.

7- Dadka mar walba xanjada ruuga

Ruugista xanjada waxay qayb ka qaadataa soo celinta xasuusta qofka, sida lagu sheegay cilmi baaris la sameeyay.

Qaabka aad u fakareysid, awoodda maskaxdaada iyo caqligaagaba way kordhayaan marka aad xanjada ruugeysid.

Hase yeeshee, saynisyahannada qaarkood way isku khilaafeen sida ay arrintan sax ku tahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *