7 arrimood oo sababa hilmaamka badan (iyo xalka)

Inta badan wax ma hilmaamtaa, oo ma is weydiineysay sababta iyo sida aad xal ku heli karto?

Sidoo kale mararka qaar maku dhibaatootaa inaad wax diiradda saarto, taasoo sii kordhisa hilmaanka?

Xasuustaadu hoos ma u dhacsan tahay oo saameyn maku yeelatay shaqadaada iyo wax kasta oo aad sameyso?

Haddii ay jawaabtaadu haa tahay, dad badan ayaa kula mid ah oo dhibkaas kula qaba

Maanta waxaa sharraxeynaa sababta ay arrintaas u dhacdo iyo sida aad u soo celin karto xasuustaada.

Nasiib wanaag, labada arrin xalkoodu isku meel ayuu ku jiri karaa! Si loo soo afjaro dhibaatooyinkan, waxaan u baahan nahay inaan fahanno halka ay ka socoto xasuus xumadan.

Kuwani waa 7 sababood oo keena inuu qofku hilmaam bato.

1- Cadaadiska saameeya maskaxda iyo dareenka (Stress)

Culeyska loo yaqaanno Stress-ka waa nooc ka mid ah waxyaaba mashquuliya maskaxda qofka. Wuxuu hos istaagaa in maskaxdu ay wax xifdiso si ay dib ugu xasuusato.

Marka uu qofku muddo dheer ku jiro cadaadiskan ugu dambeyn waxay maskaxdiisu gaareysaa heer aysan waxba qaban karin, xaaladaha muhiimka ahna hilmaamto.

Waxaad u baahan tahay inaad ku dadaasho sidii aad isaga yareyn lahayd Stress-ka badan.

2- Vitamin B12 la’aan

Haddii uu qofku ka dhammaato Vitamin-ka loo yaqaanno B12 wuxuu noqdaa ruux hilmaam badan sababtoo ah Vitamin-kaas wuxuu aad muhiim ugu yahay maskaxda.

Vitamin-kan ma aha mid aan la heli karin ama aad ku khasban tahay inaad dhaktar u raadsato. Waxaa laga helaa caanaha, hilibka xoolaha, ukunta iyo hilibka digaagga.

3- Isticmaal la’aanta

Waxyaabaha uu qofka maskaxda ku hayo way lumaan haddii uusan muddo dheer xusin ama adeegsanin.

Warka wanaagsan waa in wax walba oo aad hilmaantay aad si fudud dib ugu baran karto xitaa haddii ay sannado badan kasoo wareegaan.

4- Daalka badan

Marka uu qofku si xad dhaaf ah u daalo waxaa ku dhaca hilmaam badan.

Haddii aad daasho maskaxdaadu waxay xoogga saareysaa inay tamarteeda u keydsato sidii ay kaaga caawin lahayd sii wadidda howl maalmeedkaaga caadiga ah.

Si aysan taasi u dhicin ku dadaal nasiinada.

5- Walwalka

Haddii aad walwalsan tahay waxay ka dhigan tahay in maskaxdaadu aysan xasillooneyn.

Way adag tahay inaad xasuus yeelato marka aadan adiga laftaada ka dhex bixi karin maskaxdaada. Taas waxaa loola jeedaa in qofka uu u baahan yahay inuu ka nasto walbahaarka oo cadaadis xoog leh saara shaqada maskaxda.

6- Fahamka

Markii ay xaalad ku qabsato, howsha ugu horreysa ee ay maskaxdaadu qabato waa inay isku daydo sidii aad wax u fahmi lahayd. Waxay ka gaabineysaa inay wax xasuusato.

Waxay diiradda saareysaa maxkaxdu inay xal u ehsho arrimaha taagan xasuustuna waxay soo galeysaa kaalinta labaad.

Tusaale ahaan, marka aad buug akhrineyso maskaxdaadu waxay xoogga saareysaa inay fahanto qoraalka iyo micnihiisa, kaddib ayay xifdineysaa sheekada.

7- Xasuuso xul ah

Maxkaxda bani’aadanka waxay mararka qaar kala xulataa waxyaabaha ay xasuusta galineyso.

Arrimaha qaar ayay ku asteyneysaa qeybta xasuusta kamana baxayaan, halka kuwo kalena ay iska sii deyneyso sidaasna uu qofku ku hilmaamayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *