7 arrimood oo aan hilmaamno inaan uga mahad celinno hooyo

Waligaa maku fikirtay in aad hooyo uga mahad celiso arrimaha ay kuu sameysay oo qof kale uusan sameyn kari lahayn?

Hooyooyinka waxay carruurtooda garab taagnaadaan laga soo billaabo marka ay ilmo yihiin ilaa ay ka weynaadaan, sidaas darteed waxaan la qabsannay caawinteeda waxayna nala tahay qeyb ka mid ah nolosheenna.

Marka ay carruurta yar yihiin way korisaa iyadoo xannaaneyneysa marka ay weynaadaanna waxay la qeysataa dhibaatooyinkooda, talooyin joogto ah ayayna siisaa.

Maadaama aan ilaa yaraanteennii lasoo qabsannay iyadoo wax walba noo sameyneysa, waxaan illownaa inaan uga mahad celinno kaalinta ay noo buuxisay.

Kuwani waa toddobo arrimood oo ay hooyo kaligeed noo sameysay, qaarkeenna laga yaabo in aysan ku baraarugsaneyn.

1- Maareynta waxa suuragalka ah iyo waxa aan suuragalka ahayn, iyadoo mataleysa magaca qoyska

Ma jirto cid hooyooyinka la wadaagta darajada ay ka gaareen xannaaneynta iyo hagista qoyska, taasna dhammaanteen shaki noogama jiro.

Waa udub dhexaadka reer walba, waana qofka kaliya ee lagu tiirsan yahay laguna kalsoon yahay, xaalad kasta oo taagan.

Hooyooyinkeenna waxay xal u helaan culeys kasta oo jira waxayna maareeyaan nolosha qoyska iyagoo dhabarka u ridanaya caqabad kasta.

Qaar ka mid ah hooyooyinka waxaa sharaftooda meel uga dhaca ragga ay xaasaska u noqdaan ama bulshada ay ku dhex nool yihiin, laakiin iyagu marna kuma guul darreystaan inay carruurtooda xannaaneeyaan, jacaylna u muujiyaan.

Xitaa marka ay heystaan dhibaatooyinka dhaqaale, kuwa nafsad ahaaneed iyo arrimo kale oo badan, hooyooyinkeenna waxay suuragaliyaan inaan helno raashin, waxbarasho, wayna na difaacaan.

2- Inay dhibaatada dunida wajahdo annagana dhibka naga xigsato

Marka la eego doorka ay nolosheenna uga jiraan laga soo billaabo markii ay 9 bilood iyo dheeraad caloosha nagu wadday iyo foosha dhalmada ilaa xanaaneynta ay noo sameeyaan marka aan ilmaha nahay iyo xilliga aan weynaannaba, hooyooyinku waa halyeeyadeenna.

Xilliyadii aan dareemeynay dhaxanta, baahida ama xanuunka, hooyo ayaa na garab taagneyd iskuna dayeysay inay intii karaankeeda ah na caawiso.

Haddii ay shaqo leeyihiin, ama safar aadayaan ama wax kale oo aad muhiim ugu ah ay sugayaan marnaba hooyooyinku kama labalabeeyaan inay waxaasoo dhan ka door bidaan cunuggooda xannaaneyntiisa.

Maadaama ay naftooda oo dhan illoobeen iyagoo caafimaadkeenna iyo horumarkeenna ka fikiraya, waxay naga mudan yihiin inaan u mahad celinno. Ma jirto si aan abaalkooda ku gudi karno.

3- Inay safar dheer u galaan sidii aan horumar ku gaari lahayn

Qodobkan wuxuu ku saabsan yahay hooyooyinka tahriiba ama qaxootinnimada u aada dalalka kale, si ay qoysaskooda iyo carruurtooda ugu raadiyaan nolol amni ah oo wanaagsan.

Ma jirto cid sharraxaad ka bixin karta geesinnimada ay leeyihiin marka ay u muuqdaan carruurtooda.

Hooyooyinka qaar naftooda ayay halis u galiyaan ama wayba ku waayaan inta ay ilmahooda u dadaalayaan. Miyeysan mudneyn inaan mar walba taas uga mahad celinno inta ay nool yihiin, haddii ay dhinteenna ugu duceyno si joogto ah?

4- Inay noo yihiin ku dayasho iyo dhiirrigalin

Waxaa laga yaabaa noloshu inaysan si wanaagsan u taageerin hooyooyinkeenna, laakiin iyagu si buuxda ayay annaga noo taageereen mana aysan na dareensiinin wax cabsi ah.

Xitaa marka ay culeys weyn iyo xanuun u dareemayaan darteen, waxay noo muujiyaan farxad iyo in wax walba ay hagaagsan yihiin.

Haddii ay waxyeello nagu soo socoto, hooyooyinkeenna ayaa geesiyaal ah oo isu dhiga dhibaatada, iyagoo naga badbaadinaya.

Waxay noo yihiin ku dayasho, dhiirranaan buuxda ayaana ka helnaa.

5- Inay talooyin nolosha haga na siiyaan marka aan weynaanno

Maadaama ay yihiin dada aan ugu jecel nahay adduunka, hooyooyinku waxay na siiyaan cashirro inta aan carruurta nahay, inta aan dhalin yarada nahay iyo marka aan weynaannaba. Taasna way sii wadaan ilaa inta ay nool yihiin.

Maadaama ay khibrad u leeyihiin nolosha ayna ka buuxdo xikmad waxay nagu garab istaagaan qaadashada go’aannada adag ee nolosheenna khuseeya.

Tusaale ahaan marka aan reer yeelaneyno ama xulaneyno qofka aan nolosha la wadaagi lahayn. Sidoo kale waxay noo tababaraan sidii aan waalidiin u noqon lahayn.

6- Inay na baraan casharro qiimo leh oo ku saabsan nolosha

Markii ay noo diidayeen inaan soo iibsanno alaabta carruurta ee qaaliga ah, waxay na barayeen qiimaha ay leedahay lacagta.

Markii ay nagu canaananayeen inaan kitaabka iyo buugga aqrinno, waxay na barayeen muhiimadda uu leeyahay cilmiga.

Marka ay noo diidayeen inaan guriga ka baxno oo aan soo laabanno xilligii aan rabno, waxay na barayeen mhiimadda uu leeyahay amniga.

Inkastoo laga yaabo in markii hore aynaan sidaas u fahansaneyn, haddana hooyooyinkeenna waxay na bareen casharro muhiim ah oo aynaan waligeen hilmaami doonin.Sidaas waxay u sameynayeen jacayl ay noo qabaan iyo inay noo naxayeen.

7- Jacaylka shuruud la’aanta ah ee hooyooyinka kaliya laga helo

Jacaylka hooyada was mid iyada kaligeed gaar ku ah oo aan laga heli karin qof kale.

Haddii ay tahay hooyadii na dhashay iyo hooyadii nasoo korisay, ha yaraato ama ha weynaato, waxay ka wada siman yihiin inay noo jeclaadaan sida ugu sarreysa.

Maanta hooyo waqti la qaado oo uga mahad celi kaalinta ay noloshaada uga jirto. Haddii aysan adduunka ku nooleynna waqti ku qaado inaad u duceyso. Haddii aysan awood u lahayn in ay hadalkaaga fahanto oo ay waayeel tahayna, xannaano fiican u samee inta aad nooshahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *