6 waxyaabood oo cirrada timaha looga hortago, laguna baabi’yo

Qof walba wuu jecel yahay in uu mar kasta u muuqdo dhalinyaro ilaa intii karaankiisa ah, laakiin cirrada ayaa inta badan naga hor istaagta inaan da’deenna qarsanno.

Waxaa kale oo jura dad ay cirradu soo food sarto iyagoo san gaarin da’dii loogu talogalay.

Haddaba sideed uga hor tagi kartaa in ay timahaaga cirro yeeshaan, haddiisa ay horayba u yeesheennna, sideed ku baabi’in kartaa.

Waxaa jira lix waxyaabood oo haddii aad joogteyso aad ku guuleysan karto arrintaas, sida ay muujiyeen daraasado ay seynisyahanno sameeyeen.

1- Caleen shaaha Cagaaran 

Guud ahaan cuntooyinka ay ku jirto maadada ka hor tagta inay raashinka qurmaan (Antioxidant) waa muhiim marka ay timaado daryeelidda timaha, sababtoo ah waxay kaa celinayaan unugyada waxyeellada wata ee kasoo baxa fallaaraha qorraxda iyo waliba wasakhda qiiya ee warshadaha iyo gaaska la gubo.

Shaaha laga sameeyop caleenta cagaaran marka aad cabtid wuxuu kuu sameynayaa faa’iidadaas, wuxuuna kaa difaacayaa dhammaan arrimahaas kor ku xusan.

Haddii caleentaas aad ka dhigato shaambo timaha lagu dhaqo  ama saliid ahaan aad u marsatid waxay sidoo kale kaa caawin kartaa in timaha ay awood yeeshaan ayna dib u dhacdo cirradii kaasoo bixi lahayd.

2- Caleenta Kaariga 

Kaariga waa geedka laga sameeyo xawaajiga cuntada lagu carfiyo. Caleentiisa oo aad qasato ayaa faa’iido weyn u keeni karta timahaaga.

Waxay timahaaga ka difaaci kartaa cirrada kasoo hor marta waqtiga waayeelnimada, sababtoo ah waxaa caleentaas ku jira maadada Antioxidant, iron, fitamiinno iyo macdano badan.

Daraasado badan oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in iron-ta ay ka hor tagto cirrada loo yaqaanno cirro caanoodka ama kasoo baxda dadka wali aysan da’dooda aad u weynaanin.

Caleenta kaariga waxaad sidoo kale ka dhigan kartaa saliid aad ku nafaqeyso timaha. Sida ugu sahlan ee aad saliid uga dhigi karto waa in aad tunto oo aad ku dhex darto saliid qumbada.

3- Shukulaatada madoow

Cuntooyinka ay ka buuxdo maadada loo yaqaanno copper-ta ayaa la ogaaday in ay wax badan ka taraan ka hortagista cirrada.

Raashinkaas waxaa ka mid ah shukulaatada madoow ee aad loo jecel yahay, taas oo ka sameysan copper.

Maadadaas waxay xitaa ka shaqeysaa nadiifinta maqaarka, iftiiminta jirka, indhaha iyo timaha.

4- Saliidda ka sameysan lawska
Lawska loo yaqaanno Almond waxaa ka buuxa fitamiinnada nooca E iyo nooca A, kuwaasoo labaduba sababa in timaheenna ay u muuqdaan kuwo qurux badan oo da’ yar.
Haddii aad si joogto ah saliidda ka sameysan Almond ugu masaajeyso timahaaga marka aad qabeysato kaddib waxay kaa caawin kartaa in aysan cirro kugu soo dagdagin.
5- Shaah bigeys ah
Haddii ay timahaaga cirro ku jirto waxaad shaaha bigeyska ah oo qaboow ku darsan kartaa shaambada aad timaha ku dhaqato ama nafaqada (conditioner).
Muddo markii aad waddo waxaad dareemi doontaa in cirradii ay madoobaatay, iyadoo wax dhibaato ahna aysan kaasoo gaareynin timaha.
Inta aad doonto ayaad wadi kartaa ilaa laga gaaro marka ay timahaaga oo dhan wada madoobaadaan.

Sida aad u sameyn kartid waa in aad caleenta ku karkarisid biyo, marka ay biyahaas qaboobaanna aad ku darsatid shaambada.

6- Qaxwo madoow

Mid ka mid ah cabitaannada aan ugu jecel nahay maalintii, oo ah qaxwada ama cofee-ga ayaa sidoo kale kaa caawin kara in ay cirrada ka baxdo timahaaga.

Qaxwadu waxay awood u leeyahay in ay timahaaga ka dhigto madoow, inkastoo aysan muddo dheer sidaas sii ahaan doonin.

Si fudud, koob ku was xoogaa qaxwo ah kaddibna klu dar nafaqada timaha, si aad u marisid marka aad shaambada ku dhaqatid kaddib.

Si ay natiijo fiican usoo baxdo, qaxwada iyo nafaqada timaha u daa ilaa hal saac, timahana intaas ka daboolnaadaan. Ugu dambeyn dhaq ilaa ay kasoo baxaan biyo nadiif ah.

Midabkaas madow ee sidaas ku sameysmay wuxuu joogi karaa ilaa labo isbuuc.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *