6 sabab oo dumarku ay u jecel yihiin inay guursadaan nin ka yar

Waayadii dambe waxaa soo kordhayay dumarka guursanaya ragga da’doodu yar tahay oo ay ka weyn yihiin. 

Haweenka ugh caansan ee la xusi karo waxaa ka mid ah Kate Moss, Priyanka Chopra iyo Heidi Klum, kuwaasoo dhammaantood ragga ay isjeclaadeen aan u eegin farqiga da’da ee u dhaxeeya.

Hadda ka hor, inta badan ma dhici jirin in haweeney uu guursado nin ka yar da’ ahaan, sababtoo ah bulshada ayaa hadal heyn ka dhigan jirtay.

Maxay yihiin sababaha keenaya in dumar badan ay door bidaan ragga dhalinyarada ah?

1- Carafta ragga da’da yar waxay aad usoo jiidataa haweenka

Taas waxaa sabab u ah in jirkooda uu ku jiro waqtigiisii ugu caafimaadka badnaa. Run ahaantii, daraasado ayaa muujiyay in mar walba oo da’deennu ay badato uu jirkeennuna isbaddalayo caraf ahaan.

Khubarada u kuur galay arrimahan waxay sheegeen in ninba ninka uu ka da’ weyn yahay uu xoogaa ka shiir kulul yahay.

Ragga dhalinyarada ah ayaa badankood ku dadaala in ay is carfiyaan, iyagoo isticmaalaya noocyada barfuunnada ee jirka iyo dharka labadaba.

Sidaas darteed waxaa aad u sahlan in ay ragga dhalinyarada ah soo jiidasho yeeshaan.

2- Labo jiil oo kala duwan

Sabab kale oo dumarku ay u jecel yihiin in ay guursadaan ragga aad uga da’da yar waa in labada dhinac ay ku jiraan labo jiil oo kala duwan.

Mar walba lamaanaheeda wuxuu dunida ka qabaa fikir cusub oo la jaan qaadaya jiilkiisa, labadooduna way ku raaxeysanayaan caalamka cusub.

3- Xarragada dheeraadka ah

Nimanka dhalinyarada ah waxay caan ku yihiin in ay mar walba ka fakaraan labiskooda iyo sida ay u eg yihiin.

Waxay ku dadaalaan in ay xirtaan dharkii ugu dambeeyay, aadna isu qurxiyaan. Tusaale ahaan, xarragada ayey ka door bidaan nolosha iska caadiga ah waxayna ku tartamaan waxyaabihii ugu dambeeyay ee soo kordhay.

Haddaba daraasad ayaa qeexday in dumarki waxyaabaha ay ragga ku xushaan ay ka mid tahay labiska iyo xarragada, taasoo aad usoo jiidata maadaama dookhooda qeyb ka mid ah uu yahay.

4- Firfircoonida

Nimanka da’da yar waxay hayaan tamar dheeraad ah, waxayna isku dayayaan in ay sameeyaan waxyaabo xiiso badan oo lamaanahoodana ay kala qeyb qaadaneyso.

Tisaale ahaan, waxay noloshooda qeyb ka mid ah ka dhigaan jimicsi joogto ah oo caafimaadkooda sare u qaadaya.

Waxaa kale oo ay ku fikiraan arrimo ay uu ka mid yahay dalxiiska iyo raadinta khibradaha cusub, taasoo sii xoojisa xiriirka lamaanaha.

5- Farxadda dumarka

Nasiib darro, qaar badan oo ka mid ah bulshada hadda ku nool dunida waxay aaminsan yihiin in haweeneydii gaarta 30 sano ay tahay mid da’deedi ay weyn tahay.

Markii la arko nin la haasaawaya haweeney ka da’ weyn, waa la xantaa. Laakiin dumarki waxay dareemaan farxad aad u sarreysa marka ay la kulmaan nin ka da’ yar oo ku qaddarinaya qurxudeeda iyo dadaalkeeda.

6- Carruur kuma degdegaan

Dadku marka ay da’dooda waynaato waxay dareemaan cadaadis ku aaddan in ay carruur yeeshaan.

Laakiin dhalinyarada wali yar yar waxay dareemaan in ay heystaan waqti dheeraad ah, kamana fakaraan in haddii ay guursadaan haweeney ka da’ weyn ay ku dhacdo carruur la’aan.

Taas waxay fursad siineysaa in haweeney dhaaftay xilligii dhalmada ay hesho lamaane da’ yar.

Intaas ka sokoow, waa laga yaabaa in ay jiraan sababo kale oo ay dumarku ku door bidaan ragga da’da yar ee ay iyagu ka weyn yihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *