6 ka mid ah dadka ugu taajirsan dunida balse aan la ogeyn

Waxaa jira Bilyaneerro qarsoodi ah oo aan muujinin hantidooda. 

Liiska dadka maalqabeennada ah ee caalamka waxaa inta badan lagu soo bandhigaa wargeysyo uu ka mid yahay Forbes, laakiin waxaa jira shakhsiyaad aan laga warqabin balse heysta dhaqaale aad u badan.

Waxaa ku jira madaxweyneyaal, ganacsato iyo waliba dambiileyaal.

1- Hassanal Bolkiah

Ninkan oo 74 jir ah waa Suldaanka ama boqorka waddanka Brunet, sidoo kalena waa Ra’iisul Wasaaraha dalkaas.

Waxaa la sheegaa in uu leeyahay in ka badan 600 oo gawaarida nooca qaaliga ah ee loo yaqaanno Rolls Rorce.

Guriga uu daggan yahay waxa uu ka kooban yahay 1,800 oo qol, magaca qasrigiisuna waa Nuurul Imaam.

Qiimaha gurigiisa waxaa lagu qiyaasay $350 milyan oo doolar.

Hassanal Bolkiah wuxuu heystaa lacag dhan $20 bilyan oo doolar.

2- Isabel Dos Santos 

Waa haweeney ganacsato ah oo u dhalatay dalka Angola. Waa gabadha curadda ah ee uu dhalay madaxweynihii hore ee Angola, Jose Eduardo Dos Santos.

Aabbeheed wuxuu waddankaas xukumayay intii u dhaxeysay 1979-kii ilaa 2017-kii.

Sida uu shaaciyay wargeyska Forbes sanadkii 2013-kii, kororka hantideeda waxay ku noqotay haweeneydii ugu horresay ee bilyaneerka doolarka ka noqotay qaaradda Afrika – dhinaca dumarka.

Lacagteeda marka la isku geeyo waa $3.6 bilyan oo doolar.

3- Daawood Ibrahim

Ninkan waa burcadka ugu weyn dalka Hindiya, wuxuuna magaciisa ugu horreeyaa liiska dadka ay sida weyn u raadiso dowladda waddankaas.

Wuxuu asal ahaan kasoo jeedaa deegaanka Dongri ee magaalada Mumbai.

Dowladdu waxay madixiisa dul dhigtay $25 milyan oo doolar oo abaal marin ahaan loo siinayo qofkii soo gudbiya macluumaad lagu soo xirir karo.

Waa nin hanti badan heysta awoodna leh. Lacagtiisa waxaa lagu qiyaasay $7.1 bilyan oo doolar.

4- Vladamir Putin

Waa madaxweynaha dalka Ruushka. Wuxuu ka mid yahay shakhsiyaadka ugu hantida badan caalamka laakiin ma muujiyo hantidiisa, mana qirto.

Inta uusan siyaasadda ku biirin wuxuu ka tirsanaan jiray ciidanka sirdoonka Ruushka.

Lacagta uu heysto Putin waa $131 bilyan oo doolar.

5- Kim Johng-un

Waa madaxweynaha dalka Kuuriyada Waqooyi, oo waddankaas xukumayay tan iyo sanadkii 2011-kii.

Dad badan kama war qabaan inuu hanti xad dhaaf ah leeyahay maadaama inta badan shacabka dalkiisa ay yihiin sabool, dowladdiisana ay saaran tahay cunaqabateyn dhaqaale.

Tan iyo sanadkii 2012-kii wuxuu guddoomiye u ahaa ururka shaqaalaha ee Kuuriyada Waqooyi.

Wuxuu iibiyaa kheyraadka dabiiciga ah ee dalkiisa.

Lacagta uu heysto Kim Jogn-un waa $5 bilyan oo doolar.

6- Bashaar al-Asad

Waa madaxweynaha dalka Suuriya, wuxuuna xilka hayay tan iyo bishii July ee sanadkii 2000.

Aabihiis Xaafid Al-Asad ayaa horay waddankaas madaxweyne uga soo ahaa intii u dhaxeysay 1971 ilaa 2000.

Bashaar al-Asad sidoo kale waa taliyaha ciidamada qalabka sida ee waddanka Suuriya, isagoo tan iyo sanadkii 2011-kii la dagaallamaya kooxo mucaarad ah oo damacsanaa inay xilka ka tuuraan.

Lacagtiisa waxaa lagu qiyaasay $5bilyan oo doolar.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *