6 jimicsi oo si fudud loogu sameysto 6 park

Ragga iyo dumarkuba waxay aad u daneeyaan dhismaha murqaha caloosha, taasoo leh faa’iidooyin isugu jira caafimaadka iyo quruxda.

Maanta waxaan saaxiibbada ku xidhan Maanfur.com u sharraxeynaa lix nooc oo ka mid ah jimicsiyada adigoo gurigaaga jooga ama goobta gym-ka labadaba aad si sahlan ugu sameysan karto qaab dhismeedka la wada jecel yahay ee loo yaqaanno 6 parks.

1- Adigoo dhabar dhabar u jiifa oo lugaha kor loo qaado

Credit: Healthline

Ku seexo kursi fidsan oo dhulk ka yara kacsan kaddibna gacmaha ku qabso qeybta ku aaddan dhagahaaga.

Lugaha marna kor u qaad marna hoos u soo daji. Wad ilaa intii karaankaaga ah, adigoo xisaabtana la soconaya.

Qaabkan jimicsiga ah mark lala sameeyo qaababka kale ee aan hoos ku xusi doonno wuxuu si deg deg ah u sababaa abuurista 6 park.

2- Lugo isdaba marinta

Credit: Healthline

Adigoo isla kursigii fidsanaa ku seexanaya lugaha kor u qaad oo isdaba mari.

Jimicsigan xoogaa wuu ka adag yahay kii ka horreeyay balse faa’iido weyn ayuu leeyahay.

Ku dadaal in aadan tiiro dhigin oo aad ka fikirto natiijada aad damacsan tahay.

3- Suul soo taabasho

Credit:Healthline

Wali sidii ayuu dhabarkaaga u fidsanaanayaa, lugahana kor ayaad u soo qaadeysaa.

Laakiin markan ma qabsaneysid kursiga balse waxaad labadaada gacmood kusoo taabaneysaa suulasha.

Wax yar uun kor isu qaad adigoo gacmahaagana toos u fidinaya.

4- Dib isu laabid

Credit:Healthline

Markan uma baahnid wax miis ah.

Dhulka seexo, lugaha wax yar jilbaha kasoo laab oo gaarsii ilaa xabadka agtiisa.

Gacmaha ku nab dhulka si aad awood ugu yeelato qaadista lugaha.

 5- Baaskiilka dabiiciga ah

Credit: Healthline

Adigoo dhulka jiifa lugahaaga oo jilbaha ka laaban midba mar kor usoo qaad.

Labada gacmood qadaadka ama dhagaha gadaashooda ku qabso kaddibn xusullada midba mar soo taabsii jilibka.

Xusulka midigta ah haso taabto jilibka bidixda ah, kan bidixna midka midig.

6- Is leex-leexinta Ruushka

Credit:Healthline

Noocan jimicsiga ah oo la sheego in laga soo gaadhay Ruushka waa in adigoo lugahaha oo islu maran kor u haya aad marba dhinac isu wareejiso.

Sidoo kale gacmaha oo isdaba marsan ku qabso xabadka.

Dhammaan jimicsiyadan ka samee qiyaastii labo ilaa saddex jeer oo midkiiba 12 ah, maalin kasta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *