6 dagaal oo ay Muslimiintu galeen bil Ramadaan gudaheed

Waxaa jiray dagaallo jihaad ah oo ay Muslimiintu galeen iyadoo lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaam.

Qaar ka mid ah dagaalladaas waxay ahaayeen kuwii guulaha ugu waaweyn ay kasoo hoyiyeen Muslimiinta, taariikhdana waxay uga jiraan baal dahab ah.

Nabi Muxammad (NNKH) ayaa dagaalladaas qaar hoggaaminayay kuwo kalena way ka dambeeyeen.

1- Dagaalkii Badar (sanadkii 2aad ee Hijriga)

Bisha Ramadaan oo 17 ah, sanadkii 2-aad ee Hijrada ayuu dagaalkii caanka ahaa ee Badar dhex maray ciidamadii muslimiinta ee uu Nabi Muxammad (NNKH) hor kacayay iyo xoogaggii Qureeshta ee Makkah.

Waxay guushu raacday Muslimiinta oo tiradoodu ay ahayd 300 oo qof halka ciidanka kasoo hor jeeday ay saddex laab ka badnaayeen.

2- Wadi al-Qura (sanadkii 6aad ee Hijriga)

Xilli lagu jiray Bisha Ramadaan sanadkii 6-aad ee Hijriga ayay ciidan uu hoggaaminayay Abuubakar A-Siddiq ama Zayd bin Xaaritha u dhaqaaqeen Wadi Al-Qura kaddib markii qabiilka Fazara ay sameeyeen isku day uu ku damceen dilka Nabiga (NNKH).

Salaadda subax kaddib ayuu billowday dagaalka. Qaarkood waa la dilay qaarna waa la qabtay.

3- Fatxu Makkah (sanadkii 8aad ee Hijriga)

10-kii bishii Ramadan ee sanadkii 8-aad ee Hijrada ayay ciidan uu Nabi Muxammad (NNKH) watay ku u baxeen dhinaca magaalada Makkah, tirada ciidankaasna waxay ahayd 10,000 oo askari.

Maamulkii Makkah waxay markaas jabiyeen heshiis nabadeed oo kala dhaxeeyay Muslimiinta rasuulkana kama uusan labolabeynin inuu weeraro.

Waa lala wareegay magaalada Makka iyadoo uusan dhiig daadanin. Nabiga cafis ayuu u fidiyay dadkii reer Makka. Shacabkii magaalada dhammaantoodna way wada islaameen.

4- Dagaalkii Al-Andalus (sanadkii 92aad ee Hijrada)

Bishii Ramadaan ee sanadkii 92-aad ee Hijriga ayuu janaraalkii Muslimka ahaa ee lagu magacaabi jiray Tariq bin Ziyad dagaal ku xoreeyay Spain, oo loo yaqaannay al-Andalus.

Dagaalkaas oo ahas mid xeeladdiisu ay aad cajiib u ahayd wuxuu galay taariikhda, inkastoo taariikhyahannada reer Galbeedku aysan jecleyn inay ka faalloodaan.

5- Dagaalkii Qudus (sanadkii 582aad ee Hijriga) 

Halyeygii muslimiinta ee lagu magacaabi jiray Salaaxudiin Al-Ayuubi ayaa bil Ramadaan oo ku beegneyd sanadkii 582 ee hijriyada dagaal uga guuleystay cadowgii heystay Qudus.

Wuxuu dagaalkaas ku xoreeyay masjidka Al-Aqsa oo uu dib ugu soo celiyay gacanta muslimiinta.

6- Jabkii Mangooliyiinta (sanadkii 658aad ee Hijriga)

Qarnigii 17-aad ee Hijriga waxaa xoogeystay Mangooliyiintii naxariista darnaa waxayna xasuuqeen malaayiin qof oo ay waddamo kala duwan ugu tageen.

Laakiin ugu dambeyntii, boqorkii Masar ee la oran jiray Sayfudiin Qutz ayaa mideeyay ciidamada muslimiinta wuxuuna mangooliyiinta dagaal kula galay meesha loo yaqaanno Cayn Jaaluut.

Dagaalkaas wuxuu dhacay 25-kii Ramadaan ee sanadkii 658H. Ciidamadii Mangooliyiinta ayaa goobtaas ku jabay dib dambena awood uma aysan yeelanin.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *